XUSUUS QORKAYGA – 1 (CEELKA YAA KA CABAYA?)

W/Q. Sh. Muxamad Idris Axmed

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato.

Bishii December 24-keedi ilaa 4-tii January 2010 waxaan Booqasho dacwadeed kusoo maray Dalka Zambia labada magaalo ee ugu caansan Lusaka iyo Ndola, Soomaaliduna ku badan tahay. 5-tii January ilaa 28-kii January 2010, waxaan iyana Booqasho dacwadeed ku tegey Dalka South Africa oo Jaaliyadda Soomaalidu aad ugu badantahay, magaalooyinka iyo gobolada aan marayna waxaa ka mida ah Johannesburg, Rustenburg, Polokwane, Tzanin, East London, Port Elizabeth, Knyzna, George, Mossul bay, Capetown (Bellville iyo Mitchells plain) oo intaba aan ku booqday jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Waxaan Maqaalkan hordhaca ah ugu soo gudbinayaa akhristayaasha sharafta leh, qayb ka mida xusuus qorkayga gaarka ah, kadibna waxaan u gudbi doonaa faallooyinkii caadada inoo ahayd.

Lusaka Zambia

Zambia wexey ka mid tahay dalalka Africa ee saboolka ah, inkastoo ay sida qaaradda afrika u badan tahay ay khayraad badan hodon ku tahay, hadana afrika khayraadkeeda wey ka qatan tahay oo aadana kale ayaa khayraadkeeda gurta, kuwa guduudan haba u badnaadaane. Soomaalidu dalkan Zambia magac iyo maamuus ayey ku leedahay weli, taasoo ka dambaysa sumcaddii ay Soomaalidu lahayd Dawlad ahaan, (Waa markey Dawlad ahayde) iyo dad ahaanba. Maanta Dawladnimo Soomaaliyeed god ayey ku dhacday, kamana dambayn odagii Maxamed Siyaad wax kasta oo laga sheego, iyo cid kastoo neceb, wuxuu ahaa Dawldnimadii Soomaaliyeed ee u dambaysey, wax qeybka inoogu qarsoon mooyaane.

Lusaka waayadii aanu iskuulka soomaaliya dhigan jirney horraankii 70-kii waxaanu (arday) ahaan u haysaney magac diryaama oo soo jiidasho leh. Hase yeeshee, magaalada waxaa ka muuqata diif iyo sabool nimo, faras magaaluhu aad uma bilicsana, dhismayaal cusub oo kusoo jiitana ma leh, dadka deganina wexeyba iigu dareen, dhawrka daarood ee magaalada bartameheeda ku yaal waa kuwii ka haray odagii dalka xukumi jirey Keneth Kaunda, wax ka dambeeyana laguma darin. Xaafadaha deegaanadu waa ka fiican yihiin magaalada bartameheeda xagga bilicda iyo quruxda. Magaaladu waa cagaar, geeduhuna waa ku badan yihiin, mar kasta oo aad bartamaha ka baxdo.

Waxaa ku taal Lusaka Safaarad Soomaalidu leedahay oo aad u qurux badan, markhaati weynna u ah Dawlad nimadii jiri jirtey, kana kooban Aqalka Safiirka iyo dhismaha Xafiisyada, kuna taal madaxtooyada wadanka meel ku dhow.

Soomaalida Lusaka deggan waa dad shaqaysta, hanti fiicanna ku leh wadanka, si weynna loo ixtiraamo. Ganacsigooda waxaa u badan baabuur iyo dhagaxa la jebiyo (crushers) iyo wershedaha Bulukeetiga. Waxaa kaloo jira, ceelasha shidaalka iyo wershedo kala duwan sida galleyda iyo sonkorta.

In badan guryaha ay deggan yihiin dadka shaqaysta ama ganacsada waa gurya fiican oo waaweyn, wax badan ayaa laga yaabaa dadka yurub deggani iney middan ku kuunyaan dadka Afrika, waayo dalalka galbeedka qofka ugu fiican ayaa guri yar oo 3 ama 4 qol ah deggan, fillooyin waaweyn iyo qasriyo noocaan ahna ma haweysto qof galbeedka deggani, wax aad nadir u ah mooyaane, halka ay afrika sida Zambia ay arrin aad caadi u ah tahay, malaha guryahaas qusuurta ahna gabdhaha yurub deggani wey ka masayri lahaayeen haddeey arki lahaayeen!

Ndola

Magaalada Ndola xagga hawada wey ka qabowdahay kana roob badan tahay Lusaka, aadna waa uga cagaaran tahay oo sanadka oo dhan sida la ii sheegay waa cagaar (green). Waa magaala buuraley ah oo aad u qurux badan, Soomaalida deganina hal xaafad ayey u badan tahay hantidooda. Hantidaas waxaa ugu badan waa garaashyo waaweyn, maadaama dadku u badan yahay baabuurey, iyo haamaha iyo ceelasha shidaalka. Ganacsiga kale waa goos goos. Waxaa magaalada deggan dadkii 60-kii iyo ka dib soo galay iyo kuwa cusub, iyo qaar ka yimi dalalka galbeedka (North America iyo Europe) oo meelahan ganacsi iyo shaqo iyo degaanba u soo doontay. Kolleyna khibrada badan ayey ku soo biiriyeen jaalliyadda iyaguna wax badan ayey ka macaasheen.

Mandiqadan ay Ndola ku taal waxaa lagu magacaabaa (Copper belt) ama suunka maarta, oo waa meelaha laga qodo maarta oo hantida wadanka ugu badan ah. Waxaa Soomaalidu ku leedahay masaajidda ku dhex yaal garaashyada iyo Masjid iyo School ku yaal xaafad horay Soomaalidu u degannaan jirtey ee Twabia la yiraahdo. Waana meesha (Iqra Islamic School) laga furay intii aanu booqashada ku mareyney.

Magaalada Ndola waa magaalo cimila fiican, inkastoo huurka maartu hawadeeda ku laban tahay, heer aad biyaha dhadhankooda ka dareemeyso.

Guud ahaan dalalkan afrika waa dalal ugub ah, oo khayraadku weli ceegaago inkastoo mudda dheer reer galbeedku hidiidayey welina hoosh ku hayo. Haddana waxaa Soomaalida uga furan Fursad aan uga furnayn dalalka reer galbeedka.

South Afrika

South Afrika waa dal weyn oo hodon ah. Waxaadna ka garan kartaa halka wax soo saarka Zambia sanadkii lagu qiyaaso $8 billion , South Afrika waa $280 billion sanadkii 2009. Soomaalidu wexey ku badan tahay South Afrika, waxaana soo jiidanaya fudaydka sharciga oo qaxootinimada loo ogolyahay deganaanshana lagu siiyo, ganacsiga yar yar oo ka furan, oo halka Zambia oo kale (investment) licence in lagu siiyo aad u baahantahay 250 kun oo dollar, South afrika inta warqad degaan oo 1 sano ah la siiyo oo qaxootinima ah, ayuu dukaan 2000 US$ ku darsan karaa, kana shaqaysan karaa oo biilkiisa kazoo saari karaa. Laakiin xagga amaanka ayaa aad ugu liita. SA meelaha soomaalidu u badantahay ee la yiraahdo (lookayshanada) ama (townships) oo madawgu deggan yahay, ama dadka colour ka loo yaqaan, meelahaas oo nolosheedu aad u liidato, haddad dhex martana aad nolol ka quusaneyso. Waa meela guryeheedu yihiin buushash iyo jiingado yar yar. Wax adeegya casriyana ma leh, jidad iyo laydh iyo biya fiicanna ma leh. Meelahaas ayey Soomaalidu dukaama buushashkaas ah ka dhex furtaan, laakiin waa lacag socota, oo dadkan madawga ah wixii ay helaanba wexey geeyaan dukaanka. Waxaana dhici karta, dukaankaas maalintii inuu gado kun doolar. Waana meelaha Soomaalida lagu gummaado oo 90% in ka badan dadka la diley waxaa lagu diley meelahaas ee laguma dilin magaalooyinka waaweyn dhexdooda. Magaalooyinka waaweyn si qofku ganacsi uga furto waa inuu raasumaal fiican haystaa, sidaas darted ayaa dadku marka hore (lookeeyshanada) kusoo bilaabaan, kadib markey xoogaa lacaga helaanna wexey usoo guuraan magaalooyinka waaweyn. Hal location oo magaalada mossulbay ku ag yaal wexey ii sheegeen Soomali joogtey (105) dukaan oo soomaalidu leedahay iney ku taalo lookeeyshankaas keliya, dad badan oo Soomaaliyana wuu qabaa dhiigooda.

Intii aan joogney Cape town waxaan aasnay wiil isaga iyo saaxiibkiis lagu gubey (Lokeyshan) ku ag yaal Cape town. Wexey 2da wiil jiifeen (container) u ah dukaan. Habeenkii markey ahayd 2 am ayaa bansiin lagu shubay dabna la suray, halkaas oo qiiqii iyo dabkii midna u dhintay midna markaas kooma ku jirey. Wexey ahaayeen dhalinyaro 20 jirro ah, oo sanad ka badan aan dalka joogin, waana sida ay u badan yihiin dadka waayadan soo gala South afrika ama dalalka galbeedka, waa dhalinyaradii 20 jirtey ee kazoo huleeshay Soomaaliya.

Sifooyinka Wanaagsan ee Soomaalida

Taasi wexey tusineysaa dadka Soomaalidu iney yihiin dad karti leh, wax soo saar leh, hal abuur badan, qab weyn oo han sare leh, waxna qabsan kara meel kastoo ay tagaan, sidoo kale waa dad diinta jecel oo markey wax ku qancaan ku adag, waxaana laga garan karaa sida ay dacwada Islaamka weliba Sunnada ku taagan adduun weynaha manta ugu fidiyeen, South Afrika ilaa Norwey iyo Finland waqooyiga yurub, Australia ilaa Maraykan iyo Canada, Vancouver iyo Seattle Washington, oo xaggaas Pacific Ocean aan cidi ka xigin, iyo inta u dhexeysa, intaas oo aan cagta mariyey dhul aad u fara badan lama sheegi karo dad Sunnada iyo Caqiidada toosan ku faafiyey 20-kii sano ee u dambaysey sida Soomaalidu ugu fidisay. Mana Jirto Jaaliyado fac yar oo u fir fircoon Sida Soomaalidu u fir fircoon tahay, ama uga shaqaysato dalalka ay tagaan, waana midda u soo jiidda Soomaalida xasadka iyo colaadda iyo dilka lagu hayo sida South Afrika, ama cadaadiska Kenya, ama lagu arki karo meela la mid ah.

Sifooyinka aan fiicnayn

Laakiin sida dabeecadda aadanuhuba tahay, Soomaalida sida ay sifooyinkaa wanaagsan u leedahay ayey sifooyin aan fiicnayn u leedahay oo, waana midda dhalisay iney iyagoo sidaa u karti badan ayan manta Dawladna lahayn, Dalkoodiina gubayaan, iyaguna is dhamaynayaan. Sifooyinkaas aan fiicnayn waxaa ka mid ah:

1- Qabyaaladda oo dadka Soomaalida meel weyn kaga taal, si kasta oo qofka Soomaaligaa diin ama aqoon u leeyahayna waxaad marka u dambeeya u tegeysaa bahashaas oo salka fadhida, intuu ilaahay u naxariisto mooyee.

2- Waa aqoon la’aanta wax wadaagga iyo wada shaqaysiga iyadoo wax lagu kala duwan yahay, taasna waxaan is leeyahay waxaa ugu wacan (badawnimada) ama (reer miyi) nimada, ama sida indheer garadka qaarkood u bixiyeen (aragtida reer guuraaga) oo qofka Soomaaliga wadaad iyo waranle, kuma badna inuu garto in la wada shaqayn karo waxna la wadaagi karo, iyadoo wax kale laysku khilaafsan yahay ama lagu kala duwan yahay. Labada Soomaali haddeey 5% isku khilaafaan, 95% ummuuraha isku waafaqsan yihiin, laba dhinac ayey u kala boodayaan. Waa sidii reer baadiyaha, markey ceelka ama daaqa ku heshiin waayaan, mid kastaa reerka ayuu subaxdiiba rarayaa, meel cidla ah ayuuna degayaa. Ma laha feker wax wadaag, ama isu tanaasul (compromise) ama aragti dheer oo ka dambaysa ficiltanka markaa taagan. Dantii labadooda ka dhexaysey ee aan kawada maarmin ayaa meeshaas ku bur bureysa.

3- Waxaa na haysata aqoon yari dhinacya kala duwan ah qofku markaanu aqoon lahaynna waxa uu is gaarsiiyo ayaa ka badan waxa cadawgiisu gaarsiiyo, tacabkiisa iyo xoogiisuna meel cidlaa ayuu ku lumaa. Qaar waxaa haysata aqoon yari xagga diinta ah, Qur’aankii iyo Sunnadii ayey markaa qoorta jebinayaan, heyjad cidlaa ayey jibaaxayaan, iyagoona isu haysta wadadii ugu saxsanayd iney ku joogaan. Qaar kale waxaa haysata aqoon yari adduunka iyo sida loogu noolyahay, siyaasadihiisa iyo culuumtiisa kala duwan, sidaas darted ayey danohoodii diineed iyo toodii adduunyo u khasaarayaan.

Tusaale haddaan usoo qaadanno, qurbuhu waa nagu cusub yahay, 20 sano iyo wax la mida, hindida iyo yamanta iyo dadka la mida boqolaal sano ayey qurba ku jireen. Sidaa darted wexey yaqaanaan sida ay qurbaha iyo dalalka shisheeye ee ay degeen ugu noolaan lahaayeen, danaha guud ee ka dhexeeya iyo fikradaha gaarka ah ee qofwalba qabi karo, dalka cusub ee ay yimaadeen sidey wax uga qabsan lahaayeen, asalkoodiina ugu xirnaan lahaayeen. Annaga maadaama arrimahaasu nagu cusub yihiin, ma naqaan xitaa daneheenna guud ee naga dhexeeya qurbaha sidaan u maamulan lahayn.

Tusaale ahaan: Minneapolis, MN dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali ka tira badan 100 kun. Ugu yaraan kala bar ama 3 meelood hal meel, waa muwaadiniin maraykan ah (citizens). Marka la eego sida loogu dhaqan yahay dalka maraykanka iyo qaababka wax loo qabsado, wexey ahayd dadka intaa leeg oo muwaadiniinta hal magaalo jooga, iney saamayn weyn ku yeeshaan goobaha go’aamada ee gobolkaas ama magaaladaas, ugu yaraanna dadka ugu badan ee maraakista fulinta iyo talada haya ay iyaga noqdaan, ama qof ey iyagu taageeraan. Wexey ahayd sida caadigaa wax aaney raali ka ahayn, ama qof aaney iyagu taageersanayn iney adkaato inuu meel kusoo boxo, ama heer magaalo ama heer gobol. Laakiin xoogaas iyo tabartaasu waa mid kala qaybsan, sababtey u kala qayb santahayna ma’aha wax iyaga khuseeya, ama meesha ay joogaan iyo noloshooda ku shaqa leh, ama saamayn ku leh, ee waa mid ay kasoo waaridaan baadiyihii iyo beelihii ay dalkii hooyo ugasoo qaxeen. Si kale uma garatide, dadka jooga Minneapolis, oo 10,000 km u jirta Soomaaliya wexey ku kala tagsan yihiin, daaqa iyo ceelka labadooda beelood isku haysato Soomaaliya dhexdeeda, ismana oranayaan, war innaga mushkila taa ka duwan ayaa na haysata oo ah, ciyaalkeeni ayaa daroogo jidadka ku cabbaaya, wiilkaygi iyo gabadhaadiina dugsi iyo school midna ma haystaan, afkoodii iyo diintoodiina illaawe, ee sidee taa ka yeellaa, laakiin wexey isku dilayaan, una kala dudayaan, dantoodana u weynayaan, ceelka 10,000 km noo jira, cali ayaa ka cabbaya oo iska leh, iyo mayee, ciisaa ka cabbaya oo leh!!

Tusaale kale: South Afrika, sidaan kor kusoo xusay Soomaali aan ka yarayn 30,000 ilaa 40,000 ayaa hadda joogta, welina waxaa loogu qul qulayaa sida lulumada, ama xoonka shinida. Habeen walba waxaa soo gala 50-80 qof oo rag iyo dumarba leh. Wadanka wey ku dhaqan yihiin, hantidaan kor ku xusnayna wey ku haystaan. Taasi wexey keeneysaa iney danohooda iyo diintooda iyo hantidooda sidey u bad baadsan lahaayeen ka shaqeeyaan hor iyo horraan. Kadibna ciddii kale oo ay wax tari karaan ay taraan. Iney u fikiraan sidey degaankan cusub si fiican ula qabsan lahaayeen, dalka wax ugu yeelan lahaayeen, diinta iyo maxasta ay lasoo carareen u ilaashan lahaayeen. Laakiin, aqoon darrooy ba’, dadka la dilayo habeen iyo maalin ee la gubayo, dadka hal goob ama jid ama tuulo ku leh 100 dukaan in ka badan oo dhinac walba khatari kaga sugantahay, dadka iyaga iyo caruurtoodi bannaanka cidladaa daadsan yihiin, dadka qurbahaas fog jooga ee dalkaas kana shaqaystay wax weynna ku soo biiriyey, oo xitaa dadkii madoobaa il bixiyey, canshuur bixiyey, dalka wax tara, wexey ku jiraan dar xumada aad u jeeddo, iyo hantidooda la boobo, marna argagixiso loogu yeero, marna containarada lagu gubo, iyaguna isma yiraahdaan, war side meeshan cusub ugu noolaan karnaa oo diinteenna iyo danteenna adduunyaba u ilaashan karnaa, ee waxaa wax walba seejinayaa iney ku diriraan, isugu dudaan, ku kala tagaan, habeen iyo maalinna makhaayadda la fadhiyaan, ceelka 5000 km u jira CALI AYAA KA CABBAYA OO LEH!! Iyo MAYA CIISAA CEELKAAS KA CABBAYA CAWSKANA DAAQAYA!!

Anigu kolba waxaan kula taliyey Jaaliyadaha aan marayey oo dhan, war cali iyo ciise, dib u dhigta, iyagaa hadda ceelkii isku haysta, warmahana is daraya, idinkana idinkasoo kiciyey, bal horta tiina u tag hela, oo horta fallaarta salka idinkaga taal iska bixiya, hadhawna fallaaraha kale aan ka tashanno. Laakiin sidaan sheegay dadkaan Soomaaliyeed waxaa isugu darsantay dhawrka cudur ee aan sheegay:

o Qabyaalad cudura oo ay u nugulyihiin
o Aqoon darro dhan diin iyo dhan adduun si wax u kala hor mariso, ama diinta u fahamto, ama adduunka ula dhaqanto.
o Hoggaan la’aan ama Hoggaan xumo, oo isku natiija ah.

Intaas ayaa ugu weyn waxa haadaanka ka lulay, ee mexey Ummad cajiiba ahaan lahayd, waanan aaminsanahay in Ilaahay idankiis dhibaatooyinkaa laga gudbi doono, daawada jahliguna waa cilmi, daawada qabyaaladda iyo qabiilkuna waa qaran, daawada hoggaan la’aantuna waa hoggaan fiican oo Rabbi aan ka barino inuu noo soo saaro, ee Soomaaliyey yaan la quusan, waagii waa soo dhowyahay Ilaahay idankii……

Comments:

M.Nour says:
Monday, February 15, 2010 at 5:14 am

Aslaamu caleykum w.w

Waxaan marka hore mahad oodhami usugnaatay illahay naxariis iyo nabad geliyona suubaneheena korkiisa bey ahaatay inta kadib waxaan mahad u soo jeedinaya shiikh Idiris oo ah isagu Khabiir ku xeel dheer daraasadka iyo qeybta sahanka fiican waxaan leyahay dhacdooyinka iyo ummaraha aad sheegtay intuba waa jiraan ummaduna waa wax ay ku kala maqan yihiin oo ay kukala hayaameen , xalkeeduna waa iyaga oo hela waayo aragnimo iyo khibrad xalinta iyo ildheerada iyo wax wadaaga ku saleysan sidaa uu shiikhu cadeyey waxaan leeyahay illahay hanaga dhigo kuwii ka faa,ideysta waanada shiikha , isagana illahay misaanka xasanaadka hagu daro Aamin .
Mahadsaniid

maxamed sh cumar faaruuq says:
Monday, February 15, 2010 at 1:12 am

Asalamu calaykum
allaha aka abaalmariyo dadaalkaaag aad oogu jirto sida aad mujtamacan soomaalida ah aad ugu dhhiiri galin laheyd un ay waxqabsadaan kana qeyb qaataan horumarka umadaha ay la noolyihin reerguuraanimadana ad adeyga ay ku dhagan yihiin dabeecadahoooda gaarka ay ooga tanaazuli lahaayeen
taasna in badan ayaad umadda u sharaxday wa jazaakalahu kheyran

sahro hassan says:
Tuesday, February 9, 2010 at 11:06 am

maashaa la’aah sheekh Idiris, Ilaahay hakaa abaal mariyo wanaaga aad nafaraysid umadana alaha fansiiyo umuurahooda. waxaan u baahanay waa adoo kale ee dadka famsiiya waxay tahay nolosha; u sheega in ilaahay baneeyey cadeeyeyna inaad la noolaan kartid umad walba waloow aad ku kala duwantihiin fikrat iyo diinba, hadaan nahay umjad muslim ahana la i nooga baahan yahay uswatu xassanaha. waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uu noo badiyo amthaalkaagoo lake,jassaakumulaahu khayr

keynaan says:
Friday, February 5, 2010 at 9:44 am

Aad ayaan oogu mahadsantahay sida aad marwalbo heegan oogu tahay soomaalida in ay dantooda aqoodaan illaah waxaan ka baryaayaa in ay soomaalida noqdaan kuwa dantooda fahmo mar kale sheekh Idiris waad mahadsantahay

xasan m.cumar says:
Thursday, February 4, 2010 at 10:54 pm

waan salaamayaa caalimkan somaaliyeed waana uga mahadcelinayaa in sheekh ah haddana dunida wax ka og yahay oo uu wax ka qoro

Independent Somalia: the state that never was

Wednesday, Feb 17, 2010

NAIROBI — When Virginio Bresolin passed away recently in Merka, a coastal Somali city run by Al Qaeda-inspired rebels, so did the last of a generation of Italians who emigrated under Mussolini.

He worked as a blacksmith, spoke fluent Somali and rusty Italian, and few people noticed when he died.

Fifty years after independence, indifference characterises how most feel about the former colonial ruler of Somalia, a country where 60 percent of the population is under 18 and 80 percent has known nothing but conflict.

Abdullahi Halane Mohamoud, a 62-year-old Merka resident, hardly takes issue with the Italians invading in the first place but only seems to regret that there wasn’t more in it for Somalis.

“Italian colonisation only used people as servants and never provided proper education opportunities. Most people who lived during that time were left illiterate,” he said.

muqdishfeb152010afpSomali soldiers and civilians walk around the scene of an explosion in Mogadishu on February 15.AFP

Somalia’s independence started comparatively well and in 1967 even produced the first post-colonial African leader to step down gracefully.

Adan Abdulle Osman accepted his electoral defeat, transferred power to Abdirashid Ali Sharmarke and retired to his farm near Merka, where he died in 2007, aged 99.

The handover ceremony took place in the garden of Villa Somalia, the former residence of Italian colonial governors and now the fortified redoubt from which the country’s Islamist president is battling even more Islamist rebels.

Somalia has been mired in violence for three decades and is now best known to the outside world for being the place that inspired the Hollywood war movie “Black Hawk Down” and the reason the term “failed state” had to be coined.

Like any colonisation, Italy’s left scars in Somalia too.

One instance of colonial oppression vividly remembered by many older Somalis is the construction of a canal still known as Asayle — a Somali world for a mourning veil — in reference to the men decimated by forced labour there.

“My uncle worked there and has told me harrowing tales. He used to say that officers would trample on their backs when crossing the water channel to avoid the mud,” said Mohamed Abdi Elmi, 56.

But Somalia’s case was very different from most others on the continent, as evidenced notably by the nation’s “three independences”.

In November 1949, Somalia was granted independence by the United Nations but placed under an Italian-led trusteeship.

On 26 June 1960, the northern protectorate of Somaliland acquired independence from Britain. Five days later, Italian Somalia became fully independent and merged with Somaliland.

But the lack of a founding liberation struggle left the country without an experienced political class.

President Sharmarke — whose son is the current prime minister — was assassinated in 1969, then Mohamed Siad Barre seized power and thrust his country into the cold war, choosing to side with the Soviet Union.

More than a by-product of colonial times, the deadly chaos that erupted with Barre’s ouster two decades ago is often blamed on a double vacuum.

The cold war ended and with it a system that had propped up Barre’s regime. Simultaneously, Italy’s political order was turned upside down by the Tangentopoli crisis, a nationwide police probe into political corruption.

“The country best equipped to steer Somalia at the time was not able do so. The Italian political class was floundering,” one observer explained.

Italy couldn’t make its voice heard when the world’s new American masters — puffed up with their doctrine of humanitarian imperialism — led the 1992 UN invasion of Somalia.

The disastrous cycle of violence that ensued was interspersed with numerous peace talks, in which Italy’s expertise was overshadowed by US hegemony.

The 2004 transitional federal charter still lists Italian as an official second language but ties between Somalia and its former colonial rulers are withering away silently.

In contrast with the way the British administered their colonies, Italians accounted for half of Mogadishu’s population after World War II.

Conversely, unlike its European neighbours bursting with immigration from the former colonies, Italy is now home to a mere 6,000 Somalis.

Source: AFP

Qaxootiga Soomaaliya

16 Februweri, 2010

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xero cusub oo qaxooti ay Ethiopia uga furtay Soomaalida ka soo cararay dagaalka ka soconaya waddankooda.

Hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR ayaa sheegtay in xerada Melkadida oo ku taala meel u dhaw soohdinta Soomaaliya, ay qaadi karto ilaa 20 kun oo qof.

Waa xeradii shanaad ee qaxooti ee loo furo Soomaalida joogta Ethiopia.

SominEthiopiacampUNHCR BhegerUNCHR B. Heger

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ilaa laba boqo oo Soomaali ah ay maalin walba ka gudubto soohdinta, kuwaasi oo intooda badan ka qaxaya colaadda Soomaaliya.

Haweenay loo gacan galiyay dowladda Ethiopia Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ah Haweenay ka soo jeeda Soomali Galbeed ayaa la sheegay in booliska Somaliland ay gacanta u galiyeen Ethiopia.

Talaado, 16 February 2010

Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ah Haweenay ka soo jeeda Soomalida Ethiopia ayaa la sheegay in ciidamada Bileyska Somaliland ay gacanta u galiyeen dowladda Ethiopia.

Dad ka mid ah ehelada gabadhaasi ayaa sheegay ina Bilayska Somaliland ay guriga haweenaydaasi kala baxeen kadibna la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. Hoggaanka Amniga dowladda deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar ayaa qirtay oo caddeeyey in Haweenaydaasi gacanta lagu hayo oo xabsiga Jiggiga la geeyay, balse Cabdi wuxuu sheegay in haweenayda laga qabtay gudaha dalka Ethiopia

Cabdi Maxamuud wuxuu sheegay in Haweenaydan loo haysto kaalintii ay ku lahayd qarax 2007-dii ka dhacay xaflad lagu qabtay Jigjiga oo lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegatay markii talada laga tuuray dowladdii hore ee Ethiopia.

Hay’adda Xuquuqda Adanaha ee African Rights Monitor oo fadhigeedu yahay dalkan Maraykanka ayaa ka hadashay xaaladda Bisharo Wacdi Shaqlane. Maxamed Ciise oo isagu Ururkaasi xubin ka ah ayaa beeninayay wararka ku saabsan in Bishaaro Shaqlane laga soo qabtay meel deegaanka Somalida ee Ethiopia ah. Maxamed Cismaan wuxuu kaloo beeniyay danbiyada loo haysto ee ah inay qarax Jigjiga ka dhacay ku lug lahayd.

Bishaaro Wacdi Shaqlane waa haweenay 50 Jir ah oo dhashay afar carruur ah oo qaarkoood ay carruuro sii dhaleen .Waxaana ay labadii sano ee u dambaysey deganayd magaalada Hargiesa ,iyada oo ka diiiwaan gashanayd
hayadda Qaxotiga .

VOA-du waxay la xiriirtay wasiirka arrimah gudaha ee Somaliland C/Lahi Ismaciil Cirro iyo wasiirul dowlaha arrimaha gudaha Farxaan Jamac Ismaciil, haseyeeshee labaduba way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

Source: VOA

ONLF oo warsaxaafadeed ka soo saartay Bishaaro Wacdi Shaqlane oo loo dhiibey Itoobiya

transparency international Videos