Garigii uu jiirsiiyay baa wiilkiisii jiiray.. Qiso cajiib ah
Posted Under: Qisooyin, Qisooyin/sheekooyin
Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay
Sheekadan oo ka dhacday waddamada Khaliijka ayaa ninkii sheekadu ku dhacday oo ka sheekaynaya siday wax u dhaceen ku bilaabay sheekadiisii:-” Goor ay ahayd waqti Salaaddii Duhur la soo tukaday, guryahana loo soo qada tagay, cadceeduna aad u kulushahay maadaama waqtiga lagu jiraa uu ahaa bisha August oo waddamada Khaliijku xagaa ay ku jiraan, heerkulkuna uu gaadho mararka qaarkood ku dhawaad 50 degree oo Centigrade ah ayaan si qarsoodi ah u qaatay furihii gaadhiga aabahay oo miiska dul saaran, iyadoo aan la i dareeminna baabuurkii la baxsaday,waqtigaa oo aan ahaa nin dhallinyaro ah oo ku jira waqtiga uu wiilku muruqiisa fiiriyo iskuna haysto inuu keligii adduunka jiro cid ka xoog badanina aanay jirin.
Markii aan wadadii baabuurta soo galay ayaan si xawli ah u dhaqaajiyay baabuurkii aan watay maadaama baabuurta xilligaas maraysay ay aad u yaraayeen, isla markaana dad meelahaa ka dhawi aanay jirin oo baabuur yar oo teelteel ah mooyaane kulaylka cadceedda laga wada xerooday,waxaan baabuurkii cayntaariyaba anigoon dhul iyo cir meel aan marayaba is ogayn ayaa waxaan ku soo hambabaray qaylo baabuurka hortiisa ka yeedhay, mise waa oday waayeel ah oo aan baabuurka jiidhsiiyay, intaan isku naxay ayaan hareerahayga eeg eegay, haddana waxaan qooraansaday odaygii jidka dhexyaala oo naftu ka sii gurmayso,xagan iyo xagan anigoon dayin ayaan si xawli ah meeshii uga dhaqaaqay kaddib markii aan is dareensiiyay inaan cidi i arag,intaan si qarsoodi ah guriyagii ku tagay ayaan aabahay furuhiisii meeshuu dhigtay ugu celiyay, anigoo is illawsiinaya daqiiqado ka hor wixii aan soo gaystay ayaan TV-ga iska hor fadhiistay anigoon u jeedin daawasho e ay iga tahay yaan lagu dareemine iska dhig nin war dhagaysanaya.
Waqtigu isma taagee waxaan bilaabay inaan shaqaysto oo aan noqdo nin isku filan,wax yar kabacdina waxaan guursaday gabadhii calafkaygu ii soo guri galiyay,muddo yar kaddibna ilmihii ugu horreeyay ayaa noo dhashay, wiil ayuuna noqday, sanado kaddibna dhawr caruur ah ayaa ii dhashay, la wada kor dugsiyana loo dareer,waqtiyadii la soo marayba la illow wixii dhacay, waa iska nafta banii’aadam oo illowshiiyo badane maalin dambe ayaa aniga oo guriga jooga goor ay tahay waqtiga duhurada, lana qadeeyay oo dadku isku diyaarinayaan hurdo galabeed ayaa wiilkaygii curad bannaanka u baxay, markaa fadhiga ayaan fadhiyaayoo maskaxdaydu hawlo adduun iyo ganacsi ayay ku mashquulsan tahay, mise kac baan maagay si aan qolka hurdada u tago waxaan maqlay baabuur si xoog leh bireegga loo qabtay waddo na hor marta, intaan naxay oo alaab aan faraha ku hayay iga kala daadatay ayaan dhinacna u dhaqaaqi kari waayay, mar kaliya ayay xusuustii maskaxdaydu ilbidhiqsiyo dib u soo celisay dhawr iyo labaatan sano horteed iyo waqtigan waqtigiisii wixii aan sameeyay. Qaylo ayaa xaggii gurigayaga u soo yeedhay….Hebelow wiilkaagii buu baabuur jiidhoo wuu baxsaday……Miyir waxaa iigu dambaysay wuu baxsaday..wuu baxsaday….wuu baxsaday…..wuu baxsaday.
Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-”Xisaabiye (Waa Eebbe korree oo nasahnaaye) ma dhinto e, waxaad doonto samee sidaad u dhaqanto ayaa abaalkaagu noqone”
abdikani hassan
naxar@hotmail.co.uk





Reader Comments
walaalaw aad ayaan u jecelahay qisooyinka
waxaa laakiin aad ii cajabisay sida nuxurku ku jiro
ee aad u soo ururiseen.
markaa waxaan idin leeyahay alf alf mabruuk
halkaa ka sii wada insha allah midmilahi kariim
by hoodo filsan
Hi to every body I’m really enjoyed about this moment
because I read all this qisas and stories
so Guys you do a good job.
congragulation Guys and I’m happy to read anything into your website.
by shankaroon diirie
salaamu calaykum walaalayaal waxaan idin leeya ilaah ayaa ajirkiina idinka abaal marin maalin maanta aan ahayn inshaa alaah walaalayaal waxaan idinku boorinaa in aad sii wadaan qisooyinka sidaan ah ee wax tarka leh waana mahadsantihiin walaalayaal
asc walakeey oo qisadaan soo qoraay masha alaah ayaa tahy adiga ne ninki ninka babuurka ku dhuuftay hada tahay ilaah haka cafiiyo walakeey oo somaliyed aya tahay
waa qiso aad u cajiiba aad ayaan uga helay
aad ayaan wlaal layaa idiin sala aya dhamaantiinba waallayaal sidaa ku wad waxaad wadaan shaqodii rasuulak oo kale illah ayaa ajir iyo xasanaad idinka siinaya walaal laya caafimaad ku wara waligiinba iyo cimridheer by mahamed
aad ayaan uga helay sheekadan waayo bilaadan waxba ma arko ee ilahay ayaa wax arka ma dhintane waa ale aad ayaan uga helaa qisaaska dhacoo dhan thank u ale ayaa mahad leh