Xaqiiqada Jacaylka iyo Khatartiisa 2

This post was written by Administrator on September 7, 2008
Posted Under: somali

Sababaha keena iyo Dawayntiisa Qaybtii 2aad

Ibnu Qiyam waxa uu yidhi isagoo ka waramaya Xadiiskaa qofku waa in uu cid kasta illaahay (SW) ka jeclaado iyo Rasuulkiisa (CSW), Jacaylka dhabtiisu waa jacaylka illaahay waxa kale oo la jeclaadana waxa uu diciifinayaa jacaylka illaahay iyo Rasuulkiisa. Jacaylkan waxa lagu rumaystaa in uu qofku karaahiyaysto waxa uu illaahay (SW) necab yahay sida gaalnimada oo abaal keedu yahay Naar.

Shakina kuma jiro in kaasi yahay Jacaylka ugu weyn, dadku waxba uma bixiyaan jacaylka naftooda iyo noloshooda ay u qabaan, laakiin jacaylka iimaanku ee illaahay (SW) qofka marka la kala dooransiiyo in uu gaalnoqdo iyo in dab lagu dhex tuuro qofku waxa uu dooranayaa in dabka lagu tuuro, jacaylkanina waa mid ka sareeya dareemada caashaqa ee kuwa wax jeclihi ay ku qiimeeyaan cida ay jecl-yihiin.

Jacaylku waxa uu qofka ku kalifaa in uu u horu qofka uu jacayl yahay naf maal iyo ubad iyo in uu is hoos dhigo isla markaana uu weyneeyo isagoo adeecaya una hogaansan si muuqata iyo si qarsoonba, laakiin laguma arkayo jacaylkan dadka cida uu doonoba ha ahaadee.

Hadaba Jacaylku marka uu ku xidhnaado wax illaahay iyo Rasuulkiisuba ay jecel yihiin, kaasi waa mid aamaan leh oo sugan waxana ka mid ah noocyadaa, Jacaylka Quraanka, marka uu qofku maqlo wax aan quraan ahayn wuxuu ku hamiyaa dhagaysigii quraanka isagoo dhegaysanaya hadalka illaahay (SW), hadaba xadiga jacaylka illaahay ayaa u dhigma xadiga dhagaysiga hadalkiisa waayo qofku cida uu jacayl yahay ayuu hadalkiisana uu jacyal yahay, sidoo kale waxa uu jacayl yahay hadal hayntiisa waana calamadaha jacaylka, qofka wax jaceli kama dhergo xasuusta cida uu jacayl yahay, in uu ilowbo daayo waxa uu u baahdaa cid xasuusisa.

Sidoo kale waxa uu jacayl yahay dhagaysiga sifihiisa, ficiladiisa iyo sharciyadiisa, jacaylkuna waa kaa cida uu anfacayo jacayl waana u jeedada liibanta caashaqa, waxa la mid ah jacaylka cilmiga faa’iidada leh ama jacaylka sifooyinka wanaagsan sida geesinimada, samirka iyo Akhlaaqda wanaagsan. Hadii Cilmiga la sawir lahaa waxa aad ogaataa in uu ka qurux badnaan lahaa dayaxa iyo cadceeda, laakiin jacaylka noocan ah waxa loo nisbeeyaa uun naf daahir ah sida jacaylka illaahay iyo rasuulkiisa, hadalkiis iyo diintiisa loogu nisbeeyo ruux saraysa oo samaawi ah ee aan lagu nisbeyn kuwa arlada ee liita, hadii aad doonto in aad ogaato qiimaha adoonka waxa aad eegtaa cida uu jacayl yahay iyo ujeedadiisa waxana aad ogaataa caashaqa wanaagsani in aanan lagala kulmin aafooyinka aan hore u sheegnay mid ka mid ah, Gabay Carabi ah ayaa ahaa: “Nafi waxay qiimaysaa waxa ka maqan”.

7. Haddii aynu soo qaadano hadalada la xidhiidha jacaylka dadka qaar waxay qabaan in uu yahay wax fudud, iyagoo xujo ka dhiganaya in uu banaan yahay, culimada qaarkoodna ka hadalka caashaqa waxay u arkaan wax liita ka sheekeynta qisaskiisa iyo wararkiisa, halka kuwa kale ay ka soo qaadan wanaagiisa oo kaliya.

Hadal hayntiisu waxay kordhisaa adkaysiga nafta waxana mihiim ah in aynu ka soo qaadano uun wixii samayn ku yeelanaya ama la xidhiidha akhlaaqda wanaagsan. Waxa uu ku dhacay Caashaqu cida uu ku dhacay, waxana uu la kulmay hoogisa iyo qadhaadhkiisa marka laga hadlayo wixii tagay: ujeedooyinkan iyo hadaladan aan lahayn wax xujo ah ama hadalka banaynaya ee laga soo qortay dadkii hore ee aan ahayn mid la aqbali karo waayo kuwa hadalkan lihi way odhanaya laakiin ma saxayaan, waxana loo qaybinayaa sadex qaybood, mid odhanaya waa sax laakiin xujo uma hayno iyo mid kale oo odhanaya waa been laakiin mid iga horeeyay ayaa sheegay iyo ka sadexaad oo odhanaya waa wax la qurxiyay lagana soo dhex qaaday waxyaabo la isku khilaafsan yahay.

Waxa la waydiiyay Abu Khadaab Caashaqa waxana uu ku xukumay kii oo caashaqa ku xidhiidhinaya qofka la jecel yahay, waxana uu ku jawaabay “Qofka ka taga fidnadan ayaa ka nabadgelay dhibaato, ka tag sahwiga laga yaaba in aad ka nabad gasho sharkiisa”.

Cidbaa Xujo ka dhiganaysa in ay banaan tahay caashaqu, culumada qaarkood hadal hayntiisa iyo sheekooyinkiisa waxay u arkaan mid liita waxayna leeyihiin waxa uu noqonayaa aragti goob joog ka ah muuqalka xaalada, ka dibna waxay waafajiyeen qofka akhrista xukunka masaladan sida uu ku dhigay Ibnu Qiyam Kitaabkiisa la yidhaahdo Nim al-Hawa iyo Al Jawaabul Kaafi Iyo Kuwo kale. Laakiin Ibnu Xasmi markii uu alifay kitaabka Dawqul Xamaama waxa uu ku sheegay hab-dhaqanka caashaqa dadka ehelka u ah, waxana uu yidhi halga ugu denbaysa “Illaahay ayaan denbi dhaaf ka weydiisanayaa waxa ay labada Malaga iga qoreen ee ay koobayaan” waxana uu u eekaysiyay in denbi dhaaf uu leeyahay ka garanaya in hadalkiisu yahay camalkiisa.

Laakiin hadii uuna ahayn laqwi lagu qaadi mayo ee waxa uu noqonayaa denbi yar oo laga dhaafay waxanu uu u yidhi si waano ah “Hawad waxaad u aragtaa wax sahlan macaanka bilowgeeda, ciqaabteeduna waa qadhaadh iyo meesha ay ku geyso, qofka raxmaanka garanayaa ma caasiyo hadii la siiyo wax dad la siiyay”, qofka lagu ibtileeyay caashaqa ee dadka wanaagsan ahi ujeedada arinkiisu waa in ay ahaato in uu illaahay (SW) denbi dhaaf waydiisto ee maaha in uu beri iska dhigo, illaahay u mahadiyo hadii aanu qarinin caashaqiisa arinkaasi waxa uu ku noqonayaa xaqiisi oo uu nusqaamiyay, hadii uu uga gargaaro arinkaa, waxa imanaysa in sharaftiisa dadku wax yeelan oo ay ku caayaan.

Taasi xujo u noqon mayso qofka doona in uu ku daydo, hadii ay tahay ku dayashada qofkaa wanaagsan waa in ay noqotaa dhinac ka mid ah wanaag yadiisa oo aanay noqon dhinaca aad u tirinayso in uu ku dadaali jiray ama hadalka ah caashaqu waxa uu leeyahay fadli sida aynu in yar qoraalka hore ku sheegnay, fadligiisu waxa uu ku xidhan yahay fahankiisa oo dhamaystiran.

Haddii waajib laga dhigo in caashaqa faa’iido laga helayo muu lahaadeen xumaanta iyo dhibaatada, dhibaatadiisuna kamay badateen faa’iidadiisa, cayimida xaaranimadiisa iyo ka tagidiisa ayaa laga door biday.

Taasina waxay ina tusaysaa in badhkood ay daliil uga dhigteen ogolaansha caashaqa, xadiiska ah (Qofka wax Caashaqa iskana dhaafa ee qariya samrana ka dibna dhinta waa shahiid) Xadiiskaas oo ah mid daciif ah.

Xadiiskani maaha mid ka mid ah Xadiisyadii Rasuulka (CSW), Shahiidnimaduna waa darajo sare illaahay agtiisa oo u dhiganta Sadiiqnimada waxana ay leedahay camaal iyo xaalado, Shuruudaheedana waxa ka mid ah kuwa khaas ah iyo kuwa guud, kuwa khaaska ah waxa ka mid ah in ay ahaato illaahay dartii, kuwa guudna waxa lagu sheegay Saxeexa, mana aha qof aad caashaqdo, sidee ayuu hadaba caashaqu u noqonayaa shahiidnimo isagoo qalbiga ka saaray xusuustii illaahay, hadaba khalkhalka uu ku sameeyo muuqalka qalbiga ayaa u badan fasahaad, waana khamriga ruuxdu ay ku sarkhaanto ee ka jeediyay xusuusta illaahay (SW) ee uu jeclaysto weheshigiisa, waxana uu u waajibiyaa in uu qalbigu caabudo cid aan illaahay ahayn, qofkastana waxa uu caabudaa cida uu qalbigiisu caashaqo, caashaquna waa xudinta cibaadada waana is hoos dhigid jacayl iyo weyneen, sidee ayuu qalbi aan illaahay caabudin u gaadhayaa darajada iyo fadliga Shihiidka iyo awliyada illaahay.

8. Is dhexgalka iyo dhaq-dhaqaaqa ugu weyn ee caashaqu waa mid qalbiga ku soo noqnoqda.

9. Indhaha bilaa xishoodka ah: Bilowga caashaqu inta badan waxa uu ka yimaadaa eegida quruxda, indhuhu waxay muraayad u yihiin qalbiga, indha aan xuduuda lahayna waxay dhaxalsiiyan saamayntii qalbiga ay ku yeelanayeen, iyagoo qalbiga ku abuura doonis, hadaba qofka indhihiisa sii daaya muragadiisa ayaa joogto noqota, dhibaatada ugu badan ee qalbiga soo gaadhana waxay kaga timaada fariimaha indhuhu u dirayaan waxayna tusaan waxa uu aad u jeclaanayo oo aanu ka samri Karin wadadii uu ku gaadhi lahaana aanu hayn, taas oo ku denbaynaysa xanuun iyo ciqaabtiisa.

Ka dib, daymadu waa Falaadh sumaysan oo ka mid ah kuwa shaydaanka sida ku sugan xadiiska Falaadhu waxay ku dhacdaa qalbiga, waxana uu u shaqeeya sida suntu ay dhiiga u raacdo, taas oo keenta dhimasho. Falaadhanina hadii ayna dhimasho keenin waa in ay dhaawa keento.

Daymadu waxay la mid tahay dhimbiilo ku duul duulaya xashiish engagan hadii ayna dhamaantood ayna gubin waa tii badhkood gubta, Dhacda kastaa waxay ka bilowmataa Indhaha, Dabna waxa ugu weyn ka dhimbiiluhu sameeyaan, Imisaa eegmo ku fakatay qalbi, Taas oo ku noqotay leeb aan la arkayn qaanso laga soo tuuray, mar hadii uu qofku leeyahay indho ku xidhan qalbiga, qalbiguna wuxuu qarka u saaran yahay khatar.

Ibnu Qiyam (I.H.N) waxa uu yidhi:- Eegmadu waa dariiqa ugu dhow ee lagu gaadho gayaanka, shareecaduna mar way xaarantimaysay sababtoo ah waxa lagu gaadhayo ayaa xaaran ah marna way banaysay marka loo baahdo, waxana loo baneeyay maslaxada kale ee waafaqsan islaanimada.

Jureer Binu Cabdilaahi (RC) waxa uu yidhi:- Waxa aan weydiiyay Rasuulkii illaahay (CSW) eegmada lama filaanka ah waxana uu I amray in aan indhahayga ka jeediyo, aragtida kadiska ah waa ka hore waxana ay u dhacdaa si aan u jeedo laga lahayn qalbigana kuma yeelato wax saamayn ah, ta labaad ee badheedhka ah waa gaf waana ta Nabigu (CSW) amray in indhaha laga jeediyo oo aan indha lala sii raacin.

10. Ku wada xidhiidhka Tilifoonada: waa ka ugu weyn waxyaabaha keena caashaqa inan ku jirta qalcad adag oo xumaan lahayn wax ay xaaran ku gadhaana ayna heraaraheeda oolin oo ku sugan guri daahir ah, hadaba waa maxay waxyaabaha uu sahlayo Tilifoonku?

Waxa dhex maraya wada hadalo ilaa inta ay ku dhacayso waxa aan cidhibtiisa la mahadineen waxaba laga yaaba in ay istaagto iyadoo la hadlaysa qofka ay wada xidhiidhayaan, mana qarsoona in dhaguhu wax caashaqan indha hortood inta badan, waxa laga yaaba in arintu intaa ka sii badato oo iyadana la khiyaameeyo, iyadoo ceeb la huwiyay.

Waxa laga yaaba in hablaha badhkood ay foojignaadaan marka ay gacanta ku qabtaan sameecada tilifoonka ee ay la xidhiidhaan qof, waxana laga yaaba in ujeedadu noqoto sidii ay indhaheeda ugu arki lahayd, waxana ay bilaabaysaa dabacsanaan iyo sidii uu qofkani u soo geli lahaa xadhigeeda, xidhiidhka caynkan oo kale inta badan waxa sahla Tilifoonada, ku dayashada indhahaba, Jaclaysiga dhaawashada, waxyaabaha kale ee Jaahilnimadu qurxiso iyo Yaraanta ku xidhnaasha illaahay.

Hadaba sheekooyinka la isku dhaafsado Tilifoonada iyo Fasahaadka ay keenaan way faro badan yihiin mana aha wax sahlan ee waxaan u jeeda uun in aan tilmaamo sheekaysiga tilifonku in uu yahay sababta ugu weyn ee keenta caashaqa, joojinteeduna waa wax waajib ah, taasi waa dariiqooyinka qurxiya waxyaabaha keena caashaqa.

Sida looga Toobad Keeno Caashaqa

Waxaynu hore u soo cadaynay Khatarta Caashaqa iyo Dhibaatadiisa waxanu imika soo gaadhnay halkii ugu mihiimsaneyd mowduucan oo ah ka toobadkeenida caashaqa.

Qofka uu caashaq ku dhacaa waa in uu illaahay u toobad keena, cid wax caashaqday ama isaga la caashaqay ama gargaarba ha ka geesto arintaa, Toobada Caashaqu waa in uu qofku ka tagaa caashaqa isagoo go’aansanaya ina dadaalaya arintaa, waa in aanu cidna u soo bandhigin qofka uu caashaqayna waa in aanu ka sheekeyn, waa in aanu caayin una tagin, xagiisana eegin, waa in uu jaraa xidhiidhadii ka dhexeeyay, soona qaata sababo u kaashanayo arintaa, waa in uu u samraa waxyaabihii uu la kulmay gaar ahaan bilowga arintiisa.

Qofka la Caashaqayna waa in uu illaahay u toobad keena, hadii uu kula jiray ama sabab u ahaa ka wax caashaqay, mar hadii uu is jeclaysiin jiray oo uu la kulmi jiray fariimona u diri jiray.

Qofka Gacan ka geesta Caashaqa iyo isku soo dhoweynta laba qof si baadil ah waa in uu isna ka toobad keena, waana in uu illaahay baryaa wixii uu ku kixi jirayna ka toobad keena, waa in uu ogaada in uu gargaaray denbi waayo waxaba uu u kala gudbin jiray waraaqaha caashaqa, waxa uu kharibayo ayaana ka badnaa waxa uu hagaajinayo, waxana uu ku denbeeyay wax aan la mahadin, tacabkiisuna waxa uu noqday mid aan khayr lahayn, maaha in uu ku kaco labada daruuriga ah ta sahlan.

Fasahaadnimadani waxay halaagtaa qalbiga iyo diinta, waa maxay fasahaadka weyn isku xidhka laba is jeclen oo aan illaahay isku banayn? Laga yaaba in midkood cudurba qabo cida wanooyinkan qaadataan way ka nabad gelaysaa.

Waxyaabaha loo gargaarsado ka Takhalusida Caashaqa.

Waynaanta arinta Caashaqu iyo adkaanta ka tagidiisu maaha wax cudur daar leh iyo wax aan la helayn dhibaato kastaana waxay leedahay dawo, laakiin dawadu ma anfacdo qofka aan sideedi u qaadan ama u isticmaalin, qofka ay ku dhacdo dhibaatadanina wuu ka bogsanayaa hadii dawadu siday tahay u qaata, inta taagina ku dadaala lana yimaada waxa laga doonayo, isagoo bartilmaameedkiisu u xadidan yahay, hadii kale dhibaatadu waxa laga yaaba in ay ku sii badato.

Ibnu Qiyam (I.H.N) waxa uu yidhi:- Dawo waxa la siiya qofkii ka aqbalaya, qofka se wax kale ku dara waa khasaare, waxanu tilmaami doona waxyaabihii loo kaashanayay ka takhalusida caashaqa.

1. Qofka oo la yimaada Ikhlaas (Isagoo Illaahay Dartii wixii uu qabanayo u qabta) waa dawada ugu fiican, qofka marka ay ka dhamaato dhibaatada caashaqu ee isagoo run ay ka tagay xaga illaahay u jeesta isagoo rajaynaya raxmadiisa, wax khatar ihi ma yaalan hareerihiisa wax kasta oo toobada ka hortaagnaana wuu ka gudbayaa.

Waxa uu yidhi Ibnu Taymiya (I.H.N):- Qalbigu marka uu dhadhamiyo cibaada illaahay iyo Ikhlaaska weligii ma arkayo wax kale oo uga macaan ugana raaxo badan ugana wanaagsan.

Dadku kama tagaan qof ay jecel yihiin iyagoo u tagin qof ay ka sii jecel yihiin ama aanay ka baqayn in uu khiyaameeyo, jacaylka xun wuu ka tagaa qalbiga qofka wanaagsani ama ka baqaya in uu dhibaato soo gaarsiyo, sida illaahay (SW) ku yidhi Nabi Yuusuf (CS) “Xaqiiqdii way ku hamiday isna wuu ku hamiyay hadii aanu arag burhaan xaqa rabigii ah, sidaas ayaanu uga badbaadinay xumaantii iyo faxshigii waxana uu ka mid ahaa adoomadayda wanaagsan” Suuratul Yuusuf 24.

Illaahay (SW) wuu ka badbaadiyaa adoomadiisa wanaagsan xumaanta, sidaas ayaana loo yidhi qofka aan dhadhamin macaanka cibaadada illaahay waxa ka awood badan naftiisa, hawadeeda ayuuna raacaya, hadiise uu dhadhamiyo macaanka cibaadada illaahay qalbigiisu waxa uu awood u yeelanayaa in uu iska dhifaaco, hadaba marka uu adoonku noqdo mid mukhlis ah illaahayna wuu ka aqbalayaa qalbigiisuna wuu noolanayaa, waxana uu ka baqanayaa wixii khilaafsan wadada illaahay mar yidhi,

Qalbiga aan ahayn mid wanaagsan, waxa ku jirta doonis iyo jacayl sii deysan, waxana uu ku hamiyaa wax kasta oo is leeyahay waadgaadhi, Ibnu Qiyam waxa uu yidhi:- Qalbi ayaa jira aan xanuunka dayn illaahay (SW), waa mid dareemaya cidlo aan ka dhameenayn ilaa uu weheshada kalinimadiisa, waxa uu leeyahay murugo aan tagayn ilaa uu ku farxo barashadiisa oo uu run ka sheego la macaamilkiisa, waxa uu ku sugan yahay argagax aan deganaasho lahayn ilaa ay kulmaan oo isagoo ka cararaya xagiisa u ordo, waxana gubaya khasaaraha aan la bakhtiin karin ilaa amarkiisa raali lagu noqdo iyo wixii uu isagu qoray oo lagu samro ilaa inta lala kulmayo isaga (illaahay) waxa jirta doonis adag oo cidina ka horjoogsanayn marka isagu ku doono, waxa uu leeyahay faqri aanu kaa joojinayn jacaylkiisa mooyene wax kale, isagoo aad u toobad keento iyo joogteenta xusuustiisa iyo wanaaga oo run aad ka sheegto, hadii la siiyo aduunyada iyo waxa ku suganba kama daboolayso baahida uu u qabo arrimahan weligii.

La soco
Waxa si wada jir ah u diyaariyay
C/fataax Xasan aadan
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Email: Cabditaax_96@hotmail.com
Hargeisa Somaliland

Reader Comments

aad ayaan ula dhacay jacaylkan waxaan umaleeyaay jacaylaka hada ihaya ee jiif iidiiday meel aan joogaba

#1 
Written By moussa on February 7th, 2009 @ 2:02 pm

walaahi waa qisa layaab leh waan ladhacay taas

#2 
Written By maxamed on March 29th, 2009 @ 2:31 pm

waa arin layaable sababtu waxey tahey jecelku waa xanuun dilaa ah ama wacadoga nolasha biniadamka wax jecel waxa jira book loo yaqaan ignorenc love of the enemy unbom victem

#3 
Written By maxamud on July 10th, 2009 @ 2:49 pm

a.s.w.w musliminta odhan melkasta oo ay jogan waxan urajayn khayr…intas kadib ilahayba mahadleh..tan labad walalkayga qoralkan sharaftaleh qoray aad ayuu umahadsanyahay wuxuna noshegay kalmad qaali ah oo aysan soomaali odhan aysan isla sooqadin jacaylka kowad oo aad ahmiyada siso waa ilahay iyo rasulkisa iyo dintisa intas kadib malagudiidin inaad nafkale jeclato balse waa inaad kujeclaato qofkad jeclanayso ilahay dartiis waa inuuna yahay qof u hogaansa ilaahay wuxu nafaray wana inuyahay mid haysta sunada nabigena scw walalayal waxa dadka ugu qalisan qofka dadka diinta ilahay xasusiya markasta inaad qofka dinta ilahay kajeclatana mahan w.c

#4 
Written By adam mohamed adam on September 3rd, 2009 @ 6:46 pm

walalayal waxa intaas dheer oo markasta aan ku arka dhalinyarada somaliyed marka ay lahadlayan gabdhaha waxay kudhahan naftaydan kajeclahay wan kudhimanayaah war walalayal ilahay utobad kena oo hadad wax udhimanaysan oo u damqanaysan ilahay iyo rasulkisu waxay kugu ogyihin udamqo oo ah dinta islamka walalayaal waxa intas dheer wiil iyo gabarba waa in ilahay loo noqdo oo dhaqamada aan diinta wafaqsanayn la iska ilaaliyo gabar madax qaawan ayaa laga yaaba inad dhahdo waan kudhiman wan kujeclahay war qofka kujeclow ilahay dartiis qofka kujeclow inuuyahay qof ilahay utoobadkena inuu yahay oo sunadii rasulka kudhaqma war jacaylka intaas kayimada waa jacayl aad aqiro iyo adunba kulibanaysaan……w.c

#5 
Written By adam mohamed adam(adan shaah) on September 3rd, 2009 @ 6:53 pm

a.s dhaman walalayashayda musliminta ah wilal iyo gabdho melkasta oo ay joogaan waa inay ogadan micnaha jacaylku leyahay walale jacaylku mahan midka hawiyaha gala ee waa kan ay wax kayaqanan culumo badan oo daarood ah marka iska jira cawanimad hawiye okale jacaylka mahan ee waa in ilahay laga baqo oo diintiisa lajeclado

#6 
Written By adan dalab on October 8th, 2009 @ 5:41 pm

jaceylku waa jiraa waana jiri doonaa ilaa dunidaan aan kunoolnahay ladabagediyo

waxaana jeclahay inaan halkaan kasoo jeediyo arooh ku saabsan jada:-

#7 
Written By faska on October 21st, 2009 @ 8:59 am

jacaylka waa dhab waana wax jira in sha alaah weligiisna woo uu jira doonaa jacaylka waxaa ku ciyaaray gabdhaha qaarkood waxaan dhahi lahaa ha iskaa daayaan jarafta aay jacylka ee aay ku ciyaarayaan

#8 
Written By c/raxiim on November 22nd, 2009 @ 8:32 am

Dhamaan waxaan salaamayaa Muslimiinta meelkasta oo ay joogaan salaan ka dib, waxaan la dhacay Qisadaan layaabka leh oo ah mid ku soo jiidanaysa, Runtii Jacaylku waajiraa waana loo dhintaa waana loo waashaa wuxuuna keenaa Faqri, Doqonimo, Caafimaad daro, IWM,
laakinse hadii lagula hayo waxaa uu leeyahay Faa,idooyin badan oo keenta Mustaqbal wanaagsan & Nolol wacan,

#9 
Written By Love Man on December 10th, 2009 @ 7:27 am

waa sheko wanag san wana laga helaya sow mahan ‘

#10 
Written By Anonymous on December 27th, 2009 @ 2:28 pm

sheko qisa wanag san wana kahelay runti wana wax jiriro jcelka

#11 
Written By Anonymous on January 15th, 2010 @ 1:55 pm

a.s walalahayaga muslimka ah waxan ushegaya jacaylka dhabta ah oo jira inuuyahay kan ilahay iyo dintisa lajeclado 2 jacayl ama xubi kad utaqanan waxa jira baahi looqaado qof haween ah oo aad jeclato tasina dhibta ay keento badana waxa kamida markii aad waydo gabadhii aad cashaqday oo ay kugu dadato sorrykkkkk

#12 
Written By c/shakur shiikh doon on February 8th, 2010 @ 7:08 pm

a.s salan kadib walalayal waxan idinka digaya inad jeclatan gabdhaha madaxa qawista oo aan kaxishon alihii abuurtay maxa yelay adba kama xishonayan hadhow tasina waa qatar lasoo darista qofka muslimka ah inuu guursado ama jeclado naag aan ilahay jeclayn oo aan xishoon oo suqdho ah

#13 
Written By c/shakur shiikh doon *deco_ on February 8th, 2010 @ 7:10 pm

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address

Previose Post: wararkii hore