Kenya oo Mar kale Xirtay Xildhibaano & Dad Shacab Soomaaliyeed ah
Posted Under: News in Somali
19 Jan, 2010
Ciidamada Amaanka ee Kenya ayaa Mar kale Xalay 08:00 Fiidnimo illaa 02:00 Saqdhexe Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ka qafaashay Dad kale oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Xildhibaano ka mid ah DKMG ah, xili ay wali Xabsiga ku jiraan Qaar ka mid ah Xildhibaano, iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan DKMG ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Dadka ay Ciidamada Qafaasheen ay ka mid yihiin 2 Xubin oo ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah oo kala ah Ismaaciil Hure Buubaa iyo Xubin lagu soo gaabiyay magaciisa C/wali.
Sidoo kale Xubnaha la xiray waxaa ka mid ah Xildhibaano ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland.
Xildhibaan Mahad Cabdulle Cawad oo isagu ka mid ahaa Xubihii Habeen hore Xabsiga loo taxaabay isla markaana dib laga soo daayay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii lagu xiray iyo waliba Halka lagu xiray.
Mahad wuxuu sheegay in laga waraystay Banaan Bixii Jimcihii ka dhacay Magaalada Nairobi ee lagu dalbanayay inaan la Masaafurin Sheekh u dhashay Dalka Jamaica.
Wuxuu intaa ku daray in Dadka la xiray wax laga weydiiyay Xiriirka ay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin la leeyihiin.
Dadka la xiray ayuu ku sheegay Dad Sharci haystay iyo kuwo aan haysan, wuxuuna Tilmaan ka bixiyay Halka lagu xiray oo uu ku sheegay inay tahay Xarun lagu Tabo baro Ciidamada CID-da.
Mahad wuxuu sheegay inaan Wax Gogol ah la siin isla markaana ay iska seexdeen Sibidhka, wuxuu kaloo xusay in meesha lagu xiray Maxaabiista aysan lahayn Biyo ku filan.
By Somalimirror





