Wasiirka Gaashaandhiga Kenya“Soomaalida waxaa Qabsatay Wixii Xunba Xaawaa leh”
Posted Under: Uncategorized
21 Jan, 2010
Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa Sheegay in Soomaaliya ay haysato Wixii Xunba Xaawaa leh, isla markaana Falalka loo qab-qabanayo Soomaalida ee lagula xiriirinayo Dibad bixi Todobaadkii hore ka dhacay Nairobi aysan iyagu Bilaabin Balse ay Qeyb ka noqdeen Markii danbe.
Wasiirka oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa yiri “Soomaalida waxaa Qabsatay Wixii Xunba Xaawaa leh, in Calan la dhaho waa Calan Al-Shabaab Niman kuray ah ay Babinayeen, in dhagax tuur uu dhacay, wixii la arkayna ee Jaraa’idka arkayeen ama TV lagu arkayay 80% soomaalil bay ahayd”.
Wuxuu intaa ku daray“Arintii Jimcadda Dhacday, waxay ahayd Arin Fool xun, oo ka bilaabatay 6 Qof sidaan war ku Qabno, lixdaas qof inkastoo Muslim yihiin ayna Soomaali ahayn”.
Soomaalida ayuu Sheegay inay tahay Qowmiyadda ugu Badan isla markaana Siyaasadda iyo Ganacsiga ugu Fiican“Wadanka Kenya 75% Soomaali weeyaan, waxa Maanta Siyaasi ahaan ama Beecsharo ahaan ka Dhaq-dhaqaaq Fiicana haddii loo fiiriyo Afrikaanka Kenya ee Muslimka ah wax iyaga Dhaama ma jiro”.
Mar la weydiiyay Shakhsiyan waxa uu kala socda Falalka hadda lagu Raafayo Shacabka Soomaalida ayuu yiri “Wasiirka Difaaca Shaqo kuma lahayn, Dhibkani Dhib Daakhili ah weeye, Wasiirka Saitoti Baa shaqo ku leh”.
Ugu Danbeyntii wuxuu sheegay inay Maanta Shir Yeesheen Madaxda Soomaalida ee laga soo Doortay Gobolka NFD ee ay Kenya Gumeysato“wixii kulmay waxay ahaayeen: Madaxda Soomaalida Waqooyiga laga soo doortay, Madaxda Masaajida waaweyn iyo Wadaadada, waxaana ka wada hadalnay sida ay arintani u dhacday iyo siday u Haboonayn in Arinta aysan sii fogaanin”.
Hadalkani ayaa imaanaya xili ay Ciidamada Kenya ay Qafaalayaan Shacabka Soomaalida ah ee ku sugan Kenya iyaga oo aan u kala saarayn inuu Haysto Sharci iyo in kale, waxayna Arintani si weyn u kicisay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Meel ay joogaanba.
Source: Somalimirror
ACW.
Yusuf Xaaji iyo Farax Dawarah iyo ragga kale ee gobolka NFD ka soo gala waxay ku fashilmeen inay joojiyaan ama wax ka dhahaan dhibka loo gaystay Soomalida ku nool dalkaasi kenya.
Halka Saytoote uu warmaxan yahay waxa uu sameeyey iyaga waxaa ay yihiin fiirsato afkooda sallax ku dhegay.
Malaha waxay ka dhabeeyeen sheekadii ahayd haddii aad tiraahdeen lacagteena ayaa meel wax na marisa maanta ha idinka bixiso.
Somalida Kenya ku nool waxay ku fashilmeen inay dabada gashadaan raggan iyo degaanka NFD.
Lacagi talin wayday dib ha ugu daba fayleen dadka NFD laga soo doorto si loo badbaadiyo maalkooda iyo maxaskooda. Islam markaasina dhisaan gobolka NFD inta maalin maalgelinayaan dhulka gaalda ama la bililiqaysanayo.
Cali Guure
Kenya(gaalada)iyadaa xoog ku qaadatay DAD/DHUL Soomaaliyeed,marka inay tiraahdo qaarna sharci baan siiyay,qaarna waan u diiday ma soconayso.
Waayo Halluuqo labadeeda dhinacba Cabddalla ayaa daggan,Liboya & Dhoobleyna waa la mid.
Mudaaharaadka waxaa dhigay MUSLIMIINTA KENYA,
haddii qolo-qolo loo kala saarona Soomaalidu ma dhammayn 5%,ee maxaay dawladdu uga takori
muslimiinta kale?
Muslimiintu hadday si nabad galyo ah u dalbadaan in shiikh Faysal maxkamad la keeno
haddii uu dambi leeyahay ama sii daaya,markaa
muslimiinta ma xabbado nool baa lala dhici?
mise wsiirka amniga waxaa u bannaan inuu soo kaxaysto TUUGTA,SUUQ-JOOGTA iyo DIBJIRKA si ay u gubaan MASJIDKA,una bililiqaystaan Jamia mall iyo First Community Bank?
Tan kale,labadan wasiirow(Yusuf Xaji & Mox!ed Cilmi)waa taad midig iyo bidix ka fadhideen wasiirka amniga oo aad waliba qoslayseen marki
uu muslimiinta aflagaadaynayay!!!adinka darajada idin saaran goormaa loo baxsan doona?
Isku soo wada duuboo,haweenka, carruurta iyo
waayaalka Soomaalida ahi 20 sano ayay Kenya
joogaan,lama hayo ilaa hadda hal kiis(CASE)oo
amniga Kenya khatar ku ah oy ku lug leeyihin.
Haddaba arrintu waa shirqool caalami wayna
fashilmi doonaan Inshaallaah,waayo xalay nin
Somali Canadin ah oo bil ka hor ka soo galay
airport-ka weyn ee Nairobi(JKIA)aya la xiray
isagoo dalkii uu ka yimid u laabanaya!sabab?
liiska argagixisada ayaan ka baaraynaa!!bal
muxuu yahay liiskan uu haysto wasiirka amniga
Kenya oo kaliya ,ayna ku qoran yihiin Somali
ku nool USA,UK iyo Canada? sow tii horay nalo
yiri liiska terrorisim-ku waa international.
abu Mujaahid
Walaalayaal aaynu ixtiraamno madaxda Somalida kenyaa waayo ayaga hadeeysan ahayn ama somalida gobol kulahayn kenya garan maayo somalia maxeey maanta kusugnaani lahayd. Waxeeynu noqon lahayn afqanistan oo pakistan lahayn indiana kuwada wareegsan tahay.
Waxaad Ogaataan in somalida kenya aay maanta ka awood badab yihiin qowmiyada dhulkooda la bililiqeeysto sida gobolka Mombasa oo dhaqaalaha kenya oogu badan kasoo galo hadana aay waxba kaaahayn. Hadeysan somalida kenya ahayn, malaayiin somali oo maanta wax kamabarata, ganacsina ka sameeysato kenya uma suurta gali lahayn. Somalida qurubaha joogta oo kaliya ayaa sanadwaliba ayagoo boqolaal kun ah fasax ahaan oogu taga ayagoo oogasii gudba dhulkooda hooyo. Waxeeynu nahay dad dhulkoodii burburiyay, kenya qaraxyo iyo dhib badan kasoo gaaray in kastoo aay hadana kafaaidey maalgeliska somalida oo dhulkoodii dhisaya.
Yussuf Xaji maahan nin ciyaara ama kaftama. 8 sano ayuu ahaa gudoomiyaha gobolka oogu weyn kenya ee layiraahdo Rift Valley ooguna dhib badan waayo qabiilo badan oowadanka xoog kuleh ayaa isagasoo horjeedaa. Sida lagu yaqaano ficiladiisa ayaa ka badan hadalkiisa. In kasto uu yahay wasiirka difaaca kenya (Booqo webka http://www.mod.go.ke), hadana maaha nin faan badan ama xoog uusan lahayn sheegta sida shabaabka. Kenya maahan sida ururada fikirka yar ee xitaa walaalahood xisbul islaam gaaleynaya ee waa wadan ogol fikrada kala gedisan. Ayagoo gaala ah ayaa wadankooda dagaal sokeeye kabadbaadiyay. Anaga see waxaan leenahay waxaan usoconaa japan iyo ruushka dadkanagiina WFP aya acunto siisaa oo gaajo ayeey udhimanayana.
War Allah aaynu kacabsano oo aan badbaadino dadkeena iyo dalkeen. Kenya uma baahnaani lahayn hadaan anaga is badbaadin lahayn oo culimadeena ixtiraami lahayn, waxna isu ogolaan lahayn.
War diinta aaynu ka run sheegno oo yeeyna noqoni dad cadowgooda ushaqeeya. War somaliyee Ethiopia iyo madaxda qaar ee kenya weey neceb yihiin somalida ee dadkeena meel waliba daadsan aaynu gacan qabano oo aaynu dhulka somaliyeed waxbeey kuleeyihiin ee aaynu wax kasiino. Markaan quwad xoog ah oo dadkeeda badbaadisay sameeyni aaynu markaa hadeeynu rabno caawino dadka kale sida yemeniyiinta ee bal marka hore aayu sharaftii somalia soo celino.
Somaliboy
Talaabada ay SAWAAXILIGU in lala yaabana ma aha, waxaanan oran karaa waa mid aad loo fahmi karo oo ay fahmikaraan dadka caqliga u saaxiibka ah.
Laakiin Caqlilaawe yeelkii.
Waxaan sidaa u leeyahay, qofkii Muslim-Soomaali ah, ee 20kii sano ee lasoo dhaafay aan la socon sida siyaasadda aduunka iyo Isirgoynta lagu hayo Qawmiyadda Soomaalida la yiraahdo, waxa hadda socdana ma fahmi karo, mana Odorosi karo waxa soo socda.
1. Kenya Waxay si cad uga runsheegaysaa Gaalnimaadeeda dhabta ah iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay kaalinbuuxda ka ciyaarto Mashruuca baaxadda wayn leh ee ladagaalanka Muslimiinta iyo isir tirtiridda Soomaalida ee geeska Afrika.
2. Waxaad moodaa dadbadan inay ku kadsoomeen, waraaqaha khayaaliga ah ee dadka dibadaha laga qaato, ee aanu marwalbaa isugu sheekeyno ee aan koley anigu u aqaan waaraqaha ISIRTIRIDA QAWMIYADDA SOOMAALIDA ee ah:- Dhalashadii Mareykankaan qaatay, Tii Ingiriiskaan qatay, aniga tii Canada, Tii, Tii Tii,.
Gunaanad: Wallalyaal Cizi iyo Sharaf waatuu Alle (SW) inoo yaboohayoo ah kudhaqanka Kitaabkisa, Arlana waatuu Alle (SW) nagu abuuray ee cadw oodhan isugu soo kaaya habarwacday, ee inta goori goortahay. aan isdaba qabano.
Oo xalka waxaan u arkaa qofwalba oo wax garad ah oo Soomaaliya dibadda uga maqan in dalka kusoo laabto si aan ugu gargaarno kitaabka alle una xoreyno dadkeena iyo dalkeena.
Wabillaahi Tawfiiq.
Daacad





