Wafdi ka socda M.Afrika & Q.M oo soo gaaray Muqdisho

This post was written by Administrator on January 25, 2010
Posted Under: News in Somali

Jan. 25, 2010

Wafdi ka socda Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna Shir la qaateen Madaxda ugu sareysa DKMG ah, xili Ururka Al-Xisbul Islaami uu Maanta Shaaca ka qaaday inay ka warheleen in DKMG ah ay 12 April ka hor Qorshaynayso inay Xoog ku qabsato Caasimada Muqdisho.

Wafdigani waxaa Hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra, sidoo kale waxaa weheliyay Ergayga Xoghayaha Guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabadalla iyo Xubinka cusub oo lagu Badalay Madaxii Arimaha Soomaaliya Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya

U qaabilsanaha DKMG ah Wasaaradda Madaxtooyadda Xasan Macallin Maxamuud oo u waramay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Xubnaha wafdiga wuxuuna yiri“Wafdiga Maanta Booqashada ku yimid Wadanka, waxay la kulmeen Madaxweynaha, waxayna kala ahaayeen Ambassador Ramtane Lamamra oo ah Gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Nabada iyo Amaanka isla markaana Hogaaminayay Wafdiga, waxaa la socday Ergayga Xoghayaha Guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabadalla iyo Madaxa Arimaha Soomaaliya ee cusub waxaa uu Badalay Ninkii ka horeeyay oo la oran jiray Bawakira”.

Xasan Macallin wuxuu intaa ku daray“Shirka Madaxweynaha ka qeyb galayay waxaa la fadhiyay Ra’isul Wasaaraha Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, iyo Wasiirka Difaaca Mudane Cabdalla Axmed Boss iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed General Maxamed Geelle kaahiye ayaa Dhanka Soomaaliyana kala qeyb galay Shirka”.

Ajandaha looga hadlay shirka ayuu ku sheegay “Waxyaabihii ay la soo qaadeen Runtii waxay ahayd inay Marka ugu horeysa Muujiyaan Taageerada ay Dowlada Soomaaliya u hayaan haday Afrikan Union iyo haddii ay yihiin Q.M intaba iyo Sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika Madaxdeeda Halkan jooga iyo Dowlada Soomaaliya iyo sidda Dowr intaa ka Culus u yeelan lahayd Soomaaliya, waxayaabihii lagu soo qaaday ayay ka mid ahayd”.

25pic10sharif

Mar la weydiiyay Xasan Macallin in lagu soo hadal qaaday Shirkaasi Arimaha Amaanka ayuu ku jawaabay “Waxaa kale oo lagu soo qaaday shirka Midowga Yurub ee Bisha Dabayaaqadeeda ka dhacaya Adis ababa”.

Shirkani ayuu ku tilmaamay Mid Heer Siyaasadeed ah, isla markaana looga hadlay sidii DKMG ah Sanadkan 2010 ay uga gudbi lahayd Dowlad Fashilantay uguna Gudbi lahayd Dowlad jilicsan “Shirkani ma ahayn Shir looga hadlayay Arimaha gaarka ah ee Milatariga ma uusan ahayn, Shirku wuxuu ahaa Shir Heer Siyaasad looga hadlayay, waxayna ahayd si Soomaaliya Sanadkan 2010 ay uga gudbi lahayd Xaaladan lagu magacaabo Dowlad Fashilantay oo ugu Gudbi lahayd Dowlad jilicsan oo Tabar-daran oo Horumar sameyn karta, waxyaabaha looga hadlay waxyaabahaas ayay ka mid ahaayeen”.

Socdaalka Wafdigani ayaa ku soo beegmaya xili Madaxa Warfaafinta Al-Xisbul Islaami Sheekh Maxamed Macallin Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho uu ku sheegay inay ka warheleen isla markaana ay la socdaan Qorshaha ay DKMG ah ku doonayso inay ku Qabsato Muqdisho ka hor 12 Bisha April ee Sanadkani, “Barnaamij hadda socda oo ka socda Xeradaan Xalane Koox Ciidankii hore ee Soomaaliyeed oo lagu Maaweelinayo inay Qabsanayaan Magaaladda Muqdisho ka hor 12 Bisha April marka Insha allaahu Barnaamijkaasi waan la soconaa wax weyn oo uu hadda soo kordhinayana ma Rajeynayno”.

Afahayeenka ayaa sheegay in dhinacooda ay Diyaar garoow ugu jiraan, isla markaana ay rajeynayaan haddii ilaahay idmo inay ka saaraan inta yare e ay DKMG ah kaga sugantahay Caasimada Muqdisho“Anaguna Diyaar garoow ayaan ugu jirnaa waxaana Rajeynaynaa inta ay hadda gacanta ku hayaan in aan ka saari doono Bi’idnillaahi Tacaalaa, wax weyn oo hadda Barnaamijkaas Dhaqaale Raadis mooyaane wax kale oo uu soo kordhinayo ma jirto”.

Source: Somalimirror

Tags:

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address