Qarax Laascaanood

This post was written by Administrator on January 25, 2010
Posted Under: News in Somali

25 Janwari, 2010

Magaaladda Laascaanood waxa Saldhig boolis oo ku yaala saaka, waxaa ka dhacay Qarax keenay dhimasho iyo dhaawacba.

Laba askari, ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen qaraxa, iyadoo laba kale oo ku dhaawacantay midkood uu dhaawaciisu halis yahay, waxaana labadaba la geeyay isbitaalka magaalada Burco.

Weriyaha BBC-da, Xuseen aw-Jaamac Jibriil, ayaa sheegay in bomb-ka qarxay ay ciidamada markii hore ka soo qaadeen meel ka mid ah magaalada. markii aaladda ay ciidamadu keeneen saldhigga booliiska, ayay qaraxday.

lascanoodpic

Wuxuu weriyuhu sheegay in ilaa bishii Novermber ay ka dhaceen deegaanka Laas Caanood la xiriira ilaa 9 qarax oo qaar ka mid ah ku dhinteen saraakiil ka tirsan military-ga iyo booliiska Somaliland.

Waxaa soo badanaya walwalka ay dadwaynuhu ka qabaan qaraxyada ku soo badanaya deegaankaas.

Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan.

Tags:

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address