Wararka Somalia Feb. 11 2009

This post was written by Administrator on February 6, 2009
Posted Under: news

Dhagaxtuur oo Dalbaday in Ciidamada la xareeyo
By Hussein Barre Aden
11-February-2009
source:VOA

Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaaan Dhagaxtuur oo u dhawaan Madaxweyne Sharif u magacaabay Gudoomiyaha Guddiga Amniga Qaranka ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in talaabadda ugu horeysay ee guddigoodu qaadayo ay tahay xareynta ciidamada dowlada ee Muqdisho ku sugan.
Dhagaxtuur wuxuu sheegay inay bilaabi doonaan sidii aay nabad buuxda ugu soo dabaali lahaayeen Muqdisho, wuxuu kaloo intaas ku daray in dowlada dhexe ay u gudbiyeen qoraal ay ku sheegeen in muddo 48 saac gudahood ay ku xareyn doonaan ciidamada ku kala firdhisan guud ahaan magaalada.

Maxamed Cismaan Dhagaxtuur, ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in xareynta ciidamadani ay qeybweyn ka qaadan doonto ammaanka magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho wuxuu cadeeyay in boliiska fursad loo siin doono sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ammnigii iyo kala danbeytii magaalada iyagoo hadii loo baahdana caawimaad ka heli doona ciidamada dowlada ee haatan xerooyinka la geynayo.

boggan qeybtiisa kore ka dhagayso wareysiga Duqa Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Burundi ee AMISOM oo La Weeraray
source: VOA
By Hassan Kafi Qoyste
Muqdisho
Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaal saaka aroortii magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamda nabad-ilaalinta AMISOM iyo kuwa dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah iyo kooxaha xag-jira ee ka soo horjeeda dawladda ku-meel-gaarka ah.

Dagaalkan oo ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen ayaan la ogayn khasaaraha dhabata ah ee soo gaaray dhinacyada dagaallamay. Dagaalkan oo lagu soo qaaday ciidamada Burindi ee ka tirsan kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM ee kusugnaa xeradii hore ee Kuliyaddii Ciimada Jaalle Siyaad ayaa waxa soo qaaday kooxaha xag-jira ee diiddan joogitaanka ciidamada ka socda Midowga Afrika.

Kooxo isku tagay oo ka tirsan Islaamiyiinta xag-jira lana baxay magaca Xisbul-Islaam ayaa ku dhaartay in ay dagaal ku qaadi doonaan maamulka cusub ee Sheekh Shariif, iyaga oo ku tilmaamay in ayan waxaba uga duwanayn maamulkii hore ee Cabdullaahi Yusuf.


Madaxwayne Sh. Shariif
Dhinaca kalena madaxwayne Sharif Sheekh Axmed ayaa wadahadallo aan kala go’ lahayn la leh siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maxkamadaha Islaamiga ah ee uu hogaamin jiray iyo kuwa ammaanka ee dawladda federaalka.

Wadahadalladan ayaa xoogga lagu saaray sidii loo midayn lahaa ciidamada dawladda iyo kuwii maxaakimta ee uu hogaamin jiray Shariif Axmed. Sidoo kale wadatashiyadan ayaa looga hadlay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho iyo waliba arimo khuseeya xulashada qofka noqonaya wasiirka koowaad oo la filayo in uu soo baxo maalmaha kooban ee foodda inaku soo haya.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa colaadaha Muqdisho iyo shirarka uu ku jiro madaxwayne Sharif.

115 qof oo Somali ah oo la bedbaadiyay
Source:BBC news

Ciidamada badda ee Jasiiradda Malta ayaa badbaadiyay dad Somali ah oo boqol qof ka badan, kuwaasi oo saarnaa doon ku caarisay meel u dhaw badda jasiiradaasi Malta.

Dadkan oo tahriib ahaa ayaa wararku sheegayaan in ay muddo toddobaad ah badda ku dhex jireen, kadib markii ay cillad ka gashay doontii ay saarnaayeen.

Ciidamada badda ee Talyaaniga ayay muddo ku qaadatay inay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin, markii ay tahriibayaashu ay la soo xiriireen.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka codsatay in ciidamadaasi Malta ay badbaadiyaan sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC ee Rome Aadan Sabriye.

Markabkii Hubka Siday oo La Sii Daayay
Source: VOA News
Washington
05-February-2009

Burcadeed Soomaali ah ayaa goor hore oo maanta oo Khamiis ah sii daayay markabkii hubka siday ee laga lahaa Yukrayn, kadib markii madax-furasho loo siiyay saddex milyan iyo laba boqol oo kun oo doollar.

Hadal ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha Yukrayn ayaa lagu sheegay in markabka MV Faina la sii daayay kadib markii la haystay tan iyo Septembertii sannadkii tagay.

Burcad-badeedda ayaa markabkan ka qafaashay Gacanka Cadmeed isaga oo ku sii jeeda dalka Kenya sidana shixnad ka kooban taangiyada loo yaqaan T-72 ee lagu farsameeyo Ruushka iyo agab kale oo millatari.

Kenya ayaa sheegtay in hubkaasi uu iyada u socday.Si kastaba ah ahaatee saraakiil ka tirsan xafiisyada qaabilsan howlaha badaha iyo maraakiibta iyo diblumaasiyiin ku sugan gobolka ayaa sheegay in hubku socday xukuumadda Koonfurta Suudan.

Bishii November ayay dadka dhinacyada dhex-dhexaadinayay sheegeen in milkiilayaasha markabka ay ogolaadeen in ay madax-furasho siiyaan burcad-badeedda inkasta oo ayan arinka ka bixin faahfaahin dheeri ah.

Burcad-badeedda ayaa markii hore dalbaday madax-furasho gaaraysa 35 milyan, ka hor inta ayan dalabkooda hoos ugu soo dejin saddex milyan.

Markabka ayaa intii la haystay waxaa iyaguna saarnaa shaqaalihiisa oo isugu jiray 20 u dhashay Yukrayn, hal Ruush ah iyo hal Latviya u dhashay.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin ku saabsan siidaynta markabka iyo waraysi aanu la yeelanay wariye jooga Degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

AMISOM oo Lagu Eedeeyay Dhimasho Badan
By Harun Maruf
source: VOA
02-February-2009

Dadka Dhaawacmay
Dad ay tiradoodu ka badan tahay 20 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena way ku dhaawacmeen rasaas ay galabta fureen ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdishu. Dhaawac badan ayay sidoo kale wararku sheegayaan.

Dadkaasi ku dhintay rasaasta ayaa dad goob-joogayaal ah ay ku eedeeyeen inay si aan kala sooc lahayn ay rasaas ugu fureen ciidamada AMISOM. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ugu horraysay ee halkaasi tagtay Cabdilqaadir Cabdirxmaan Xaaji Aadan ayaa sheegay in dadka dhintay siddeed ka mid ah ay qabteen kadibna dileen ciidamada AMISOM, hase yeeshee arrintaasi si madaxbannaan looma xaqiijin.

Cabdilqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo ka tirsan adeegga Ambalaasyada gurmadka degdegg ah ee Muqdishu waxa uu sheegay inay goobta shilku ka dhacay ay ka qaadeen 23 qof oo dhaawac ah kuwaasi oo sagaal ka mid ah ay ku dhinteen cisbitaalka.

Tirada dhimashada guud ayaa maraysa 21 inkastoo warar kale oo laga soo xigtay maamulka gobolka Banaadir ay gaadhsiinayso dhimashada ku dhowaad 40 qof.

Waraysi ay VOA-du la yeelatay dhakhtarka goob-jooga ahaa ka dhagayso midigta sare ee boggan.

Barlamaanka Soomaaliya oo Madaxwayne Cusub Dooranaya
Source: VOA
Washington
30-January-2009

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah isku diyaarinaya in uu doorto madxwayne cusub si uu u baddalo madaxwaynihii hore ee is casilay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kadib markii uu cadaadis heer caalami ahi la soo darsay.

Madaxwaynaha cusub ayaa hogaamin doona xukuumad midnimo qaran oo ku-meel-gaar ah taasoo shaqayn doonta labada sano ee soo socda.

Doorashada la qabanayo maanta, abbaaraha 3-da galabnimo ee saacadda Geeska Afrika, ayaa timid markii Arbacadii la dhaariyay xubnaha cusub ee lagu daray barlamaanka kadib markii uu Barlamaanka Federaalka Ku-meel-gaarka ah uu cod aqlabiyad ah ku asnixiyay in la ballaariyo barlamaanka si loogu daro xubnaha 200 boqol ah ee ka yimid mucaaradka xukuumadda ee Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya.

Madaxwaynaha cusub oo sida qorshuhu yahay soo bixi doona xilli dambe oo caawa ah ayaa lagu wadaa in markiiba la dhaariyo si uu maalinta Sabtida ah ee bari uga qayb galo shir-madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhici doona Addis Ababa.

Dagaal xoog leh oo ka dhacay Degmada Dhuusa-Mareeb.
Source:Horn Afrik
Mogadishu, Khamiis,
January ,29, 2009

Dagaalo culus ayaa saaka ku dhexmaray degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-gaduud,xoogag kala taabacsan ururada Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab, iyadoo wararku ay sheegayaan in Magaalada ay gacanta u gashay Ururka Ahlu Sunna waljameeca.

Dagaalkan oo ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Ururka Ahlu sunna, ayaa waxaa Magaalada ay kaga soo qaadeen afarta Jaho ee Magaalada sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaanka, labada dhinac ayaa isu adeegsaday hub waaweyn iyo gaadiidka dagaalka.

Sida wararku nagu soo gaarayaan Magaalada ayaa laga qabsaday xarakada Al shabab oo baryihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay Degmada Dhuusa-Mareeb,waxaana la ogayn inta khasaaraha dagaalkani la egyahay wallow ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaasi.

goobjooge kusugan degmada Dhuusa Mareeb ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik in uu arkay meyd ka badan 10 ruux iyo dhaawaca in ka badan 25 ruux kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalku dhexmaray.

qoysas fara ku tiris ah oo ka mid ah kuwii ku haray Magaalada ayaa Billaabey inay isaga barakacaan Magaalada.

Dagaalkan ayaa daba jooga dagaalo horey ugu dhexmaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud labadan kooxo diimeed, kuwaas oo dad badan isaga dilay colaadan waxaana hada degmada Guriceel gacanta ku haya Ururka Ahlu Sunna.

Colaadan ayaa u muuqata mid qatar ah, iyadoo dhinacyadu ay si ba’an isku hubeynayaan, waxaana abaabulka Ururka Ahlu sunna laga soo shegayaa inuu ka socdo degmooyinka Xeraalle,caabudwaaq,balanbal iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi,halka xarakada Al shabab ay abaabulo ka wadeen Maalmihii ugu dambeeyay deegaanada CeelBuur iyo deegaano kale.

Wald Cabdalla oo Soo Dhaweeyay Ballaarinta Barlamaanka
Source: VOA somali
26-January-2009
Axmedou Cabdalla
Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Wald Abdalla ayaa soo dhaweeyay sida wayn ee uu barlamaanka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ugu codeeyay in tirada barlamaanka lagu kordhiyo 275 xubnood.

War saxaafadda loogu talagalay oo maanta ka soo baxday xafiiska Axmed Wald Abdalla ayuu ku sheegay in ay aad u dhiiri-galisay natiijada codaynta isla markaana uu uga mahad-celinayo hogaamiyayaasha Soomaalida, xubnaha barlamaanka iyo dhinac walba oo gacan ka gaysatay in la qaado tallaabadaas wanaagsan.

Codaynta barlamaanka oo ka dhacday Guriga Umadda ee Jabuuti ayaa 211 ka mida xubnaha barlamaanku waxa ay u codeeyeen ballaarinta barlamaanka iyada oo ay lix xubnood diideen saddex kalena ka aamuseen.

Xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya ayaa Oktoobartii hore ku heshiiyay in ay ballaariyaan barlamaanka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana la dhiso xukuumad midnimo qaran.

Illaa iyo 200 oo xildhibaano cusub ah oo ay soo xusheen Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo dalka Jabuuti.Barlamaanka la ballaariyay ayaa isaguna markiisa dooran doona madaxwayne cusub, kaasoo isna la dhaarin doono 31-ka bishan Janauray.

Warbixin uu maanta Ramada Muuse nooga soo diray sida uu u dhacay kulanka barlamaanka halkan ka dhagayso.

Baarlamaanka oo la ballaarinayo
Source:BBC
Dhageyso
Xubnaha baarlamaanka Somalia ee maanta ka soo qeybgalay fadhiga Djibouti ayaa ahaa 220 xubnood, kuwaasi oo markii ay codka u qaadeen in la balaariyo baarlamaanka, ay 211 ka mid ah taageereen soo jeedintii guddoomiyaha, halka lix ay diideen, saddexna ay ka soo horjeesteen.

Heshiiskii ay dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta garabkja fadhigiisu yahay Djibouti ay wada gaareen ayaa waxyaabaha uu dhigayay waxaa ka mid ahaa in baarlamaanka Somalia lagu daro 275 xubnood oo hor leh.

Isbahaysiga Dib u Xoreynta Somalia ayaa laga sugayaa inay soo magacaabaan xubnaha uga qeybgalaya baaralamaanka Somalia.

Al Shabab oo Qabstay Qaybo Ka Mida Baydhabo
Source: VOA
26-January-2009

Ururka Alshabab ayaa saacado ka dib bixitaankii ciidamada Itoobiya galay Koonfurta magaalada Baydhabo. Meelaha ay gacanta ku dhigeen ayaa waxa ka mida dhismihii ADC oo ah xaruntii Barlamaanka Federaalka Ku-meel-gaarka ah.

Galinkii hore ee maanta ayaa magaalada waxa ka dhacay qarax ay ku dhinteen afar qof, iyada oo ay magaaladana ka jirto biliqo baahsan kadib markii ay banneeyeen ciidamadii Itoobiya. Meelaha la bililiqaystay ayaa waxaa ka mida xaruntii madaxtooyada.

Xubnaha baralmaanka iyo hoggaankooda ayaa haatan waxa uu shir uga socdaa magaalada Jabuuti, halkaas oo ay maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen in lalaba jibaaro tirada barlamaanka sifo loogu soo daro xubno matalaya Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya oo bishii Oktoober ee tagtay heshiis sidaa kula gaaray xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka ah.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Federaaka Ku-meel-gaarka ah iyo barlamaanka ayaa wali ku sugan magaalada. Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo isugana xaaladda Baydhabo ka hadlay ayaa sheegay in ay magaalada gali doonaan kuna dhaqi doonaan shareecada Islaamka.

Warbixin ay magaaladaas nooga soo dirtay wariyeheena Saynab Abukar oo ay uga hadlay xaaladda magaalada halkan ka dhagayso.

Qarax Ka Dhacay Muqdisho oo Dad Badan Ku Dhinteen
Source: VOA
By Ahmed Hassan Olad
Mogadishu
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay ilaa 30-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii weerar Ismiidaamin ah lala beegsaday ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho

Weerarka qaraxaasi lagu weeraray ciidamada nabad-ilaalinta ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Dhimashada qaraxaasi uu sababay ayaa waxaa la sheegay inay u badnaayeen dad rayid ah oo saarnaa baabuur bus-ah oo meesha qaraxu ka dhacay marayay. Weerarkaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in la maqlayay rasaas is-dabajoog ah oo halkaasi ka dhacaysay.

dadka dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxaasi ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiina. Dr. Maxamed Yuusuf oo ah Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa VOA u sheegay in Isbitaalka la keenay guud ahaan 33 qof oo dhaawac ah, 15 ka mid waxaa soo gaadhay dhaawac fudud, kadibna waxaa loo diray guryahoodii, balse 18-ka mid dadkaasi waxaa soo dhaawac halis ah sidaas darteedna waxaa la dhigay isbitaalka si qaliimo loogu sameeyo. Dr. Maxamed Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in Isbitaalka Madiiina la keenay 11 qof oo meyd oo laba kamid ah ay dumar yihiin. wuxuuna cadeeyey in meydkaasi oo aan wali la garan cida ay yihiin ay isbitaalka ku hayn doonaan oo ay sawiro ka qaadi doonaan si loo aqoonsado kahor inta aan la aasin maalinta berri ah.

Geeddi oo Ku Sii Jeeda Jabuuti Walina u Taagan Xilka Madaxwaynenimo
Source: VOA news
By Harun Maruf
24-January-2009

Ra’iisul-wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya la isugu geeynayo dalka Jaabuuti.

Mudane Geeddi oo waraysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa mar kale ku celiyay in uu wali u taagan yahay doorashada madaxwaynenimada ee Soomaaliya isaga oo intaa sii raaciyay in qorshaha ay xilligan sharci-dajiyayaashu isugu tagayaan Jabuuti ay tahay tallaabo lagu fududaynayo howlaha lagama maarmaanka u ah sidii ay mucaaradku ugu soo biiri lahaayeen dawladda ku-meel-gaarka ah.

Mudane Geeddi ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo dhisidda xukuumad midnimo qaran, balse waxa uu dhinaca kale tilmaamay ahamiyadda ay leedahay in la ilaaliyo axdiga ku-meel-gaarka ah, sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay in la doorto madaxwayne marka hore saxiixa heshiiskii Jabuuti, isla markaana dikreeto ku ogolaada in la ballaariyo golaha barlamaanka.

Hogaanka Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya ayaa isugu tagaya magaalada Jabuuti, iyada oo la filayo in halkaas lagu qabto wareeggii ugu dambeeyay kulamo dib-u-heshiisiin ay taageerayso Qaramada Midoobay. Shirkaas ayaa la filayaa in lagu ballaariyo tirada uu ka kooban yahay barlamaanka Soomaaliya kadibna uu barlamaankaas doorto madaxdii hogaamin lahayd xukuumad midnimo qaran.

ONLF oo xaqiijisay in la dilay Doolaal
source: BBC

Waxaa BBC la soo xiriiray qaar ka tirsan madaxda garabkii uu ka tirsanaa Doolaal ee jabhadda ONLF.
Guddoomiyaha arrimaha dibedda ee ONLF, Cabdi Sayid Macalin Yuusuf, ayaa BBC-da uga waramay dilka Doolaal.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay in dagaal culus oo ka dhacay goobta la yiraahdo Dawo oo u dhexeysa magaalooyinka Qabri Dahare iyo Dhanaan, inuu ku dhintay Maxamed Siraad Doolaal, halkaasi oo uu sheegay in dhawr jiho ciidamada Ethiopia ay ka soo weerareen.

Cabdalla: Doorashada Madaxweynuhu Djibouti ayay ka Dhacaysaa
Source: VOA News
22-January, 2009

Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmedou Wallad Cabdalla ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ay ka dhici doonto Jamhuuridda Djibouti.

Axmedou Walad Cabdalla ayaa warsaxaafadeedkaasi ku ammaanay guddiyada labada dhinac ee Shirku uga socdo Djibouti oo muujiyay hufnaan iyo karti weyn oo ay ku doonayaan inuu hirgalo dadaalada nabadda ee Soomaaliya. Axmed Wallad Cabdalla wuxuu sheegay doorashada Madaxtnimada Soomaaliya ay tahay fursad weyn oo loo baahan yahay in laga faaidaysto . inkastoo warsaxaafadeedkaasi aan lagu sheegin waqti uu dhacayo doorashada, balse hadana waxaa Djibouti ka socdo abaabul weyn oo arrintaasi loogu diyaargaroobayo.

Sidoo kale Magaalada Baydhaba waxaa ka dhoofay oo Djibouti u baqoolay ilaa 30 xidlhibaan oo ka tirsan barlamaanka KMG ee Soomaaliya si ay ugu biiraan wadahadalladda halkaasi ka socda iyo waliba doorashada Madaxtinimadda. Gudoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Cismaan Boqoreh ayaa wareysi uu siiya VOA u xaqiijiyay in ammaanka Baydhaba oo aan la isku halayn Karin iyo culeys bulshada Caalamku ay saartay barlamaanka Soomaalida ay keentay in xubnaha barlamaanka ee ku sugan Baydhaba loo duuliyo Djibouti.

Dhinaca kalena, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada ku sugan Baydhaba ayaa isaga iyo xildhibaano ay ka mid yihiin waxay diideen inay Djibouti u safraan. Xildhibaan Xidig wuxuu VOA u sheegay inuu aaminsan yahay in howsha Djibouti ka socota ay tahay mid la doonayo in lagu burburiyo ama lagu tirtiro dastuurka u dagan Barlamaanka Soomaaliya. Cabdirashiid Maxamed wuxuu sheegay inay rajaynayaan in doorashad Madaxtinimada ay ka dhacdo Baydhaba oo taasina ay u muddaysan tahay.

Boggan qeybtiisa kore ka dhagayso, wareysiyadda Cismaan Boqoreh, Cabdirashid Xidig iyo Weriyaha Djibouti Ramadan Muse.

Barack Obama oo Madaxweynenimo loo Dhaariyay
January 20, 2009
Source: VOA

Barack Obama ayaa maanta loo dhaariyay jagada Madaxweynenimada Dalka Mareykanka isagoo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee ka soo jeeda qowmiyadda Mareykanka Madow ee jagadaasi qabta.
Madaxweyne Barack Obama ayaa lagu dhaariyey munaasad weyn oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaashii hore ee Mareykanka, Xubnaha Senator-ada, Congress-ka, marti sharaf iyo waliba dadweyne aad u fara badan oo lagu qiyaasay ku dhawaad 2 malyuun, kuwaasoo ka kala yimid dhamaan gobollada Mareykanka iyo Daafaha Dunida.

AP Photo

Qudbad uu Madaxqweyne Barack Obama jeediyay dhaarintiisa kadib, ayuu ku sheegay in wadanka Mareykanka ay soo wajahday xaalad dhaqaale oo aad u adag, balse wuxuu balanqaaday in talaabooyin degdeg ah u maamulkiisu qaadi doono oo arrimahaasi wax looga qaban doono shaqooyina lagu abuuri doono.

Madaxweyne Obama mar uu ka hadlayay Siyaasadda Arrimaha Dibeda,wuxuu wacad ku maray in dowlada Mareykanka ay diyaar u tahay inay hogaamiso oo ay wadashaqeyn la samayso Aduunyada inteeda kale. Wuxuuna balanqaaday inuu dalka Ciraaq uu masuuliyadiisa u dayn doono dadka Wadankaasi, isla markaana uu nabad ka aslaaxin doono Afghanistan.

Madaxweynaha cusub Mareykanka Barack Obama wuxuu sheegay inuu raadin doono xiriir cusub oo uu la yeesho dunida Islaamka kaasoo ku dhisan tixgalin iyo danaysi. Madaxweynahan cusub Barack Obama oo ka soo jeeda Xisbiga Dimoqraadiga ayaa dhaarintiisan waxay dhamayn doontaa 8 sano oo xisbiga jamhuurigu ay ka talinayeen Aqalka Cad.

Ciidamada Midowga Afrika oo qarax miino lagu weerarey.
Sournce: hornafrik Media
Talaado, January ,20, 2009

Mogadishu:-Qarax loo adeegsaday Miinada gacanta laga maamulo ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Kusugan Magaalada Muqdisho waxaana Mas’uuliyada qaraxaasi sheegtay kooxda Al shabab.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho halkaasoo dhawaan ay fariisin ka sameysteen Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika kadib markii ay Magaalada isaga Baxeen Ciidamadii itoobiyaanka ahaa.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Bahako Barigye oo aan xariir la sameynay ayaa waxaa uu sheegay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin iyaga qaraxaasi hase ahaatee warar Idaacadda HornAfrik ay ka heshay dadka deegaanka ayaa sheegaya in guud ahaan uu burburay gaariga Ciidamada Ugaandhaysku saarnaayeen.

Lama oga inta askari ee afrikan ah ee qaraxaasi ka dhimatay iyadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay wadada xireen.

Rasaas aad u badan ayaa qaraxa kadib la maqlay waxaana rasaastaasi furayay Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada KMG ah ee soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa si kulul ugu eedeeyay xoogaga Al shabab inay wadaan colaad uu sheegay in ay wax ugu dhibayaa oo kaliya shacabka soomaaliya wuxuuna ugu baaqay odoyaasha dhaqanka inay la taliyaan dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee Al shabab sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda Al Shabab oo horey u sheegtay in dagaalada aysan joojin doonin islamarkaana ay la dagaalami doonaan Ciidamada Amisom kadib markii ay ka baxeen inta badan dalka Ciidamada Itoobiya, ayaa weerarkaasi sheegatay sida lagu daabacay bogga ay internet-ka ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqaasi.

Qaar ka mid ah xooggaga hubeysan ee Muqaawamada iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa dhamaantood ku baaqay in xabad dambe aan laga ridin Magaalada Muqdisho si dadkii barakacay ay u soo laabtaan islamarkaana wax walba laga wadahadlo, hase ahaatee lama oga sida xaalku noqon doono hada wixii dambeeya.

Dagaal ka Dhacay Gobolka Sh. Hoose
Source: VOA news

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay kadib markii saaka aroortii deegaanka N60 ee gobolka Sh. Hoose uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Islaamiyiinta ee maamula gobolkaasi iyo ciidamo ka tirsan maamulkii hore uga talin jiray gobolkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalkani uu ka bilowday bar control, iyadoo dadka dagaalkaasi ku dhintayna la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxihii dagaalamayay. Dagaaladda ka dhaca gobolkan ayaa lagu sababaynayaa gacan ku haynta maamulka gobolkan oo haatan ay maamulaan maamul Islaami ah.

Dhinaca kalana, dagaaladan ayaa dhacaya iyadoo ciidamada Ethiopia ee ka soo baxay Muqdisho ay haatan isku uruursanayaan Degmada Afgooye ee gobolka Sh. Hoose, iyadoo aysan caddeyn meesha ay ku wajahan yihiin

Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho Ka Baxay
Source:VOA news
Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho kadib laba sano oo ay xukuumadda federaalka ku-meel-gaarka ah gacan ka siinayeen dagaalka ay kula jirto xag-jiriinta Islaamiyiinta ah.

Boqolaal ka tirsan dadka Muqdisho ayaa isu soo baxay si ay u arkaan xeryaha iminka maran ee saldhigyada u ahaan jiray ciidmada Itoobiya ee ku yaal waqooyiga Muqdisho iyada oo ay qaar damaashaad iyo heeso isku darayeen si ay ugu dabaal-dagaan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee sida wayn looga soo horjeedo joogitaankooda.

Xaflad xil-wareejin ah oo maanta oo Talaada ah ka dhacday Aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayuu ra’iisul-wasaaraha xukuumadda federaalka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu ciidamada Itoobiya uga mahad-celiyay sidii ay naftooda ugu hureen taageerada dawladda Soomaaliya.

Qaar ka mida hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa sheegaya in bixitaanka ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya uu abuuri karo xaalad ammaan darro isla markaana uu khatar-galin karo ammaanka xukuumadda.Si kastaba ha ahaatee ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Wald-Cabdalla ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in bixitaanka ciidamada Itoobiya uu ku qanciyo qaar ka mida xag-jiriinta Islaamiyiinta ah in ay hakiyaan dagaalka ay wadaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa dalka soo galay dabayaaqadii sannadkii 2006-da si ay dawladda federaalka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya uga caawiyaan iska caabinta ciidamadii maxaakimta Islaamiga ahaa ee gacanta ku dhigay itna badan koonfurta Soomaaliya.

Dagaal laba sano socday kadib, ayay dabayaaqadii sannadkii tagay xukuumadda Federaalka Ku-meel-gaarka iyo Ururka Dib-u-xoraynta Soomaaliya waxa ay magaalada Jabuuti ku gaareen heshiis ay dhex-dhexaadisay Qaramada Midoobay kaas oo xusaya in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan dalka, isla markaana la dhiso xukuumad midnimo qaran.

Waraysi uu ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen siiyay VOA-da wax yar ka dib xafladdii sagootinka halkan ka dhagayso, iyo waliba warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa qaabkii ay u dhacday xafladda halka ka dhagayso.
—————————–

Tags:

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address