Reer Australia oo sagootiyey wasiirkii cusbaa ee Maaliyadda Puntland.

This post was written by Administrator on January 25, 2009
Posted Under: somali

Haddey ku yiraahdaan jaaliyadda Puntland ee Australia sanadkaan waxaan isku dhaarsanay in aan isbeddel wax ku ool ah ka samayno Puntland, hadalkaas ha beensan, sababta oo ah waxay yiraahdeen madaxweynihii faroole anaguu naga yimi, wasiiro kalena waan wadnaa,haddana waxaan xafladdii sagootinta u samaynay wasiirkayaga cusub Dr.Faarax cali Jamac oo dhowaan loo magacaabay in uu noqdo wasiirka maaliyadda ee Puntland.

Jaaliyadda oo aad u danaysa horumarinta Puntland ayaa aad u soo dhoweeyey magacaabidii uu Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud ‘faroole’uu magacaabay Dr Faarax oo ay ku tilmaameen in uu yahay nin howlkarnimo ,daacadnimo iyo aqoonba isku darsaday, kana soo dhex sheqeeyey Jaaliyadda, kalsoonina ay ku qabaan in uu hawshaas adag uu ka soo dhalaali doono.

Dr Faarax Cali Jaamac, Wasiirka maaliyada DGPL

Tan iyo intii loo magacaabay jagadaas, wuxuu ku dhex jiray kulamo aan kala go’ lahay oo aay jaaliyaddu kula dardaarmaysay,una sheegaysay in la gaaray waqtigii ummadda loo shaqayn lahaa, lagana fogaan lahaa musuqmaasuq ,eex,nin jeclaysi iyo xatooyo xoolo dadweyne. Dadku waxay kula dardaarmeen in dawladdu noqota mid si dhaqsa ah u samaysa xisbiyaal siyaasadeed oo ka qayb qaata isbedelka la filaayo,kana saara meesha nidaamkan qabiilka ku dhisan oo u haysta wasiir walba in uu qabiilkiisa uu meesha u joogo.Cashuuraha ku soo xerooda khasnadda Puntland waa mid wax ka qabankara dhismaha iskuullada ,cusbitaallada,waddooyinka,ceelasha biyaha,mushaharka shaqaalaha dawladda,iyadoo ay intaasu jirto ,ayaa meel walba ay maanta burbursantahay,dadkiina ay la’yihiin nolol maalmeedkii daruuriga ahaa oo ay u dheertahay cudurro fara badan, gaajo, amaan darro baahsan oo ummadii ay wada hubaysan tahay.

Jaaliyaddii oo aad ugu faraxsan ayaa faarax u duceeyey, ilaahayna uga beryey in uu u fududeeya musuuliyaddaas ballaaran oo nin xil qaaday eed qaad, kuna booriyey in uu yeesho dulqaad badan ,kana faa’iidaysto khibradihii uu ka helay waddanka uu joogay.Dr.Faarax wuxuu isna jaaliyaddii ka codsaday in kala shaqayeen horumarint degaanadooda, kuna booriyey qof walba in uu xil gaar iska saaro sidii uu dawladda ula shaqayn lahaa.

Faarax wuxuu haystaa shahaadooyin ilaa heer master ah, wuxuuna ku takhasusay cilmiga xisaabaadka iyo maalmulka (Finance, Management, Accounting and Administration) oo uu muddo kusoo shaqeeyay qibradna uu u leeyahay.

Dr Faarax Cali Jaamac Magaalada Boosaaso ayuu ku aadan yahay maalinka talaada 27ka Janaayo, halkaasi oo ay ciidamo aad utabaran ay ugu diyaarisay dowlad goboleedka Puntland oo usoo galbin doono wasiirka caasimada Garoowe oo xafladii dhaarinta ka dhici doonto maalinka Khamiista 29ka janaayo hadii uu eebo idmo.

waxaana ilaahay uga rajaynaynaa in uu fududeeyo hawshaas loo xilsaaray AAmeen…………..

Source: bosasomedia.com

Tags:

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address

Previose Post: Toxic waste in somali