Ma waxaa la dooranayaa

This post was written by Administrator on January 30, 2009
Posted Under: somali

Ma Waxaa la dooranaya Madaxweyne Soomaaliyeed, mise Un-ta ayaa wakiil soo magacaabaneysa

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.

Intaas kadib, waxaa maalmahkan leysla dhex marayey in leysugu tagay Jabuuti, Mucaarid iyo mu’ayid ba. Waxaa la leeyahay waxaa la dooranaya madaxweyne Soomaaliyeed. Iyadoo aynu la yaabanaan jirnay qaabka loo soo dooran jiray madaxdii hore, ayaa maanta waxaa timi mid kuwii hore I qarso tiri, taasoo la yiri haleysku daro baarlamaankii hore oo ka koobanaa 275 xubnood iyo kuwa mucaaridka ee garabka jabuuti oo la yiri keensada 275 xubnood.

Sida aynu la socono baarlamaankii hore oo ahaa kuwo aan innaba haba yaraatee isku raacsaneen, oo mid walba watay fikrad u gaar ah, oo qaarba qaarka kale kasoo horjeeday, loogana baran inay arin qura isku raacaan, ayaa sidaas ay tahay ay iska soo sharaxeen qaar baddan oo doonaya jagadaa madaxweynenimada, halka Xisbiga isbaheysiga ay ahaayeen qaar hal cod leh, oo isku aragtiya, oo ka mideysnaa qaabkii looga soo horjeeday DFKM, ayaa haddana uu u sharaxaan yahay kaliya Shiikh Shariif.

Haddaba ma waxaa leysku jilayaa riwaayad, oo sidee ayeey wax u wada dooran karaan ummad aan isku dheeli tirneyn, mise waxaa laga faa’ideysanyaa boogta baarlamaankii hore, oo waxaa la ogaaday in sidaas wax loo marsiin karo. Maxaa riwaayadda leysagu jilayaa, miyaanay habooneyn in si toos ah waxa la damacsan yahay loogu dhawaqo oo loo meel marsado. Haddii la yiraahdo 2 + 2 ayaan doonayaa inay kasoo baxaan natiijo ah 5, ilmaha xalay dhashay xitaa ma qaadan karo.

Runtii anigu shaqsiyan Shiikh Shariif waxaan u arkaa Hogaamiye Soomaaliyeed, oo hanan kara maamulka Soomaaliya, ummaddana ay baddankoodu ku kalsoon yihiin. Haddii ley oran lahaa inta jabuuti isugu tagtay mid ka dooro, oo taladeydu ay tahay mid meel mar ah , isagana dooran lahaa, laakiin Shiikh Shariifoow nasiib daro qaabka wax loo wadaa waa mid aan Soomaali damiir leh u cuntamin, oo xitaa adiga ka shariif ahaan meel kadhac kugu ah.

Anigoo aan hadalkeyga badineyn ayaan waxaan oran lahaa maxaa waqtiga loo dilaya, oo dadka loo maaweelinyaaa, natiijo iska cad halka loo wado, maad noo dadjisaan oo ku dhawaqdaan.

Jabuuti waxaan u arkaa inay abaal weyn ay ku leeyihiin Soomaali, oo ay arimo baddan ay nagala qeyb qaadatay, laakiin maanta in gogashii ay fidiyaan in sidaas Soomaali loogu bahdilo, runtii maaha wax na qabta, ee libintii ay Soomaali idiin heysay heyska dayacina.

Dhammaan indheergaradka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan waxey u arkaan doorashada ka dhaceysa Jabuuti inuu yahay mid ay UN-ta wadato, oo aan la garneyn qaabka ay ku saleynayso. Runtiina waa arin aan u cuntamin Soomaali meel walboo ay joogto. Waxeynu sugnaana waa bisha sodonkeeda iyo madaxweyne Shiikh Shariif, nin ku raali ah iyo mid diidanba. Wey dhici kartaa in xag alle ay si kale wax ka noqdaan, laakiin xisaabta aynu naqaan waa sida uu qorsheynayo ninka Soomaaliya uga wakiilka ah caalamka.

Waxa halkaas na dhigayna waa ayaandarada ina heysata ee Soomaaliyeey sidan ma xalbaa, jawaabtaasna idinka ayeey idiin taalaa.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje.

Add a Comment

required, use real name
required, will not be published
optional, your blog address