Taariikhda Madaxweyneha cusub Sh. Shariif
Posted Under: news
Madaxweyneha cusub ee dowladda Midnimada qaran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa aan inii soo gudbinay Taariikhdiisa oo kooban.
Dhagayso Taariikhda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Magaca:- Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sh. Maxamuud.
ku dhashay:- Degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada Dhexe sannaddii 1966-kii.
Waxbarashadiisa:- Wuxuu Qur’aanka xafidey isagoo ay da’diisu ahayd 9-jir.
1988:- Dugsiga sare ee Sh. Suufi ayuu dhameeyay.
1993:- Wuxuu wabarasho jaamacadeed u aadey dalka Suudaan jaamacadda kurdufaan, kulliyadda waxbarashada qeybta Juqraafiga.
1998:- Wuxuu ka dhameystirey marxaladda jaamacadda dalka Liibiya jaamacadda Maftuuxa kulliyadda Qaanuunka Isagoo ka qaatey shahaadadii Jaamacadda.
KU SOO LAABASHADII DALKA
Sheekh shariif waxa uu dib ugu soo noqday dalka sanadkii 2000
2000:- Waxa uu aasaasey Gole loogu magac daray xariirka guud ee dhallinyarada Soomaaliyeed
2001-2002:- Guddoomiyaha maxkamadda maamulka gobalka Sh.dhexe
2002-2004:- Waxa uu ka mid noqtay barayaasha dugsiga sare ee Jubba-Muqdisho
2003-2005:- Guddoomiyahii ugu horeeyay Golaha Jaamiciyiinta Soomaliyeed isagoa ahaa xubin firifrcoon oo ka mid aha bulshada rayidka.
2004-2006:- Aasaasihii iyo gudoomiyihii maxkamadda islaamiga ee SII-SII Muqdisho.
2006:- Waxa uu noqday gudoomiyahii Golaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee dalka gacanta ku hayay lixdii bilood ee igu danbeysay September 2007: waxuu noqtay gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
2009:- Waxa uu isku soo taagay jagada Madaxweynaha Soomaaliya.
Source: Horn Afrik






Reader Comments
waxay ilatahay in uu shiikh shariifwax ka badalikaro wadanka hadii lashaqeeyo waayo qof aan wax lala qaban kaligii wax ma qaban karo
waad salaa mantihiin bahda shabakada , intaa kadib waxaan filayaa in ay somaaliya aysan wali soo marin jaaziskan oo caalamkii oo dhan ay taageersan yihiin , maadaama kuwii hore si buuxda aan loo taageerin , had iyo jeer waxaa jiro kuwa musiibada nala jecel midabkana nooga eg oo ay soori malagto , marka madaxwaynaha is badal lahubo ayuu keenayaa waa hadii aan laga dhooqeynin !
Waxa ay ila tahay inuu sheekh shariif ahaa nin aad u dadaala si uu u gaaro riyadiisa ahayd inuu maalin ka noqdo dalka somalia Madaxwayne runtii wuu ku guulaystay wado kasta ha u maree, waxaanan kula talin lahaa inuusan ku dhicin dabinka ay ku dhacaan siyaasiyiinta somaliyeed oo ah inay noqdaan ergada cadawga shisheeye uga adeegta gayiga somaliyeed ilaahayna sida wanaagsan ah waafajiyo.
waxeey ila tahay waa nin wax ka qaban karo arimaha cakiran ee soomaliya
Waxan aaminsanahay in sh.shariif keeni karo is badal wanagsan soona celi kari nidam dowladed waa haddii uu ka faa’iideyso tagerada uu ka hesto gudaha somalia
waxaan aad u taageyrsanahay doowlada shiikh shariif shiikh axmed oo aan u gartay amaba ah doowlada kaliya ee hadii aan wada taageyrno soo celinkarto calankii soomaalidu ee ku laheeday aduunka iyo sharafkeedii waayoo waa nin wax bartay aadna u aqli badan waxuuna mudanyahay in la taageero waayoo waa wax garadka ugu horeeya somaaliya oo fahmi karaayo siyaasada caalamka maanta
Walaalayaal marka hore asc Waxaa umaleynayaa in sh.shariif nin u qalma hogaanka dalka waayo aqoon yahan da’yar hadana aad usoo jiita dadka tusaale markuu hadlayo dadkana ku qanciyo hadal macaan wax qabadkiisana lawada ogyahay lana macaamili karo dalalka shisheeye dalka usoo halgamay jecelna dhulkiisa waxaan leeyahay mudane madaxweyne haku dhicin godka naarta ee siyaasiyiinta ku dhaceen, waana ku jecelnahay ilaahay nasriga hana siiyo wsc
sax waaye waa nin u qalma hogaanka dalka lkn waxaa ka soo hor jeeda dada waalan
SHARIIFKA IYO MAXAA KALA HAYST SXBKII XASAN DAAHIR AWAYS
waxey ila tahay in uu sheekh shariif sheekh Axmed uu wax ka qaban doono xaalada wadanka uu ku sugan yahay haddii la taageerow oo lala shaqeeyo dadka soomaliyeed iyo beesha caalamka.
waxaana dhihi lahaa ha qaato ku dhaqanka shareecada islaamka waana mida kaleya uu wadanka uga samata bixin karo dalka iyo dadka kaba.
waan salaamay soomaali oodhan waxaana lahubaa hadaan nahay soomaalida in shiikh shariif uusan awoodin in uu wax kabadalo arimaha soomaaliya sidii kuwii kahoreeyay maxaa yeelay cadawkii uu necbaay ayuu la sacbinayaa sidaas awgeed sh:shariif wax kama badali karo xaalada soomaalia ilaa in uu uka daro mooyee
waan salaamay walaalaha soomaaliyeed meel walba ayjoogaan sida ay ikula aamin sanyihiin dad badan oo oomaaliyeed sheekh shariif awood umalah in uu wax kabadalo xaalada soomaaliya waxaana ku leeyahay wixiii taabacsan ninkaas xaalada soomaaliya ax utari maayee ee xilka uuhaayo haisaka dago waa waano aan walaalahey soomaaliyteed usee jeedinaayo waa in aana kuwada dhawaaqnaa nana badgali adi & itoobiya
mahadsanidiin
asc wrwb waxay anigu ila tahay sheekh shariif markii hore waa uu toosnaayee xagii dan buu ka kharib may
waxaan dhihi lahaa sheekh sharif wuxuu ku dhacay dabinkii loo maleegay ee ahaa in aan culumad soomaliyeed ha is dilaan ama ha isku jabaan tiina waa dhacady balse aan fiirino meeshay ku danbeen,waxaan dhihi lahaa sharif ka fiirso intaanad falinka fiirso,
markaa waxaan dhihi lahaa sharif war ka joog war ka joog sharifoow.
thanks all
Waxan aad uga raja wey nahay hadii aniga aan ka noq do somaliya madaxweyne in aan wax weyn ka badalilahaa mida hada ey ku jir to
waxaan qabaa sheekh shariif inuu yahay nin aay reer galbeedka soo diyaarsadeen oo u shaqeeya
waxa ay ila tahy aniga sheekh shariif madamaama uu yahay nin diin leh . iyo wax barasho maadi ah ba in uu wax kabadali doono wadanka , waa hadii ay shacabku ku taageersanyihiin , run ahaantiina ,shacabka ayaa dawlad dhisi kara dumina kara , madax waynaaha waa shakhsikaliya , somalida ayaa ku maah maahda farkaliyihi fool madhaqdo . , madax waynaha hadii uu waayo garab taagnaasho hiil iyo hoo ba aha wax ba maqaban karo , run ahaantiina , dowlada somaliya waxa duminaaya somali uun , somali i iskuma jirto . waa cida madax waynaha uu kasoo jeedo , means waxan kawdaa hawiye, waayo waxaa firqo taagan ee hada dowlada kasoo horjedaa wa hawiye , markaa waxan leeyahy hawiyoow , madax wayne kaste diide e ma waxa idin maamuli xayawaaanka kkkkkkkkk . bal diidaba kuwa daarood maxad ku diidan tihiin kuwa hawiye kkkkkkkkk
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk adeer dadkii kaa dawaynaa ayaa wax qaban waayey oo ka waayo aragsanaa oo dalka sumcad xag ciidan iyo xag waayo aragnimo u leh oo la soo shaqeeyey dawladihii hore
marka hore ascwrwb waxaan filaayaa in aan gadaal kala qabsaday sheekada,markaa ka raali noqda baan idin leeyahay.
Fikradeyda hadaan halkaan ka soo jeediyo,sheekh shariif iyo qabashada madaxnimada wadanka.Waxaay ila tahay runtii laba midba ma sii heen karo xukuumadaan.
1,Waa midee shariifku balan uu ka qaaday shacabka oo aheed in uu cadowga shisheeye ka saari doono dalka.
2,Waa tan labaade in uu shareecada islaanka wadanka ku dhaqi doono.
Runtiina balantii uu ka qaaday shacabka in uusan midna fulin, waad og tihiino habeenkii la dhaariyay in uu wadanka xukunkiisa qabto,subaxdii ka danbeesay wuxuu u dhoofay wadankii uu lahaa waa cadowgeena oo uu caalanka islaamka iyo shacabka soomaaliyeedba kaa dhaadhicin jiray in itobiya ay tahay cadowga soomaaliyeed.
In dowladii isaga ka horeesay uu kaga soo horjeestay in ay wadanka soo gelisay amxaar asna uu u xiriir la yeeshay,halkaa waxaa ka cad in uu ka baxay balantii uu shacabka ka qaaday.Tan labaad shacabka wuxuu ku odhan jiray shareecada islaanka baan wax ku dhaqaayaa maantana ma aragno wax u dhow shareecada islaanka walow uu sheegto in dowladiisa qaadatay kitaabka islaamka. Waa suaale weli ma soo martay soomaaliya dowlad aan islaam aheen.Amama heesata kitaab kale oo aan aheen kitaabka islaamka.Sidaa darteed shariifka waxaad moodaa in uu balan daro muujiyay.
Midna waa uugu daraayaa dowladii ka horeesay ee mucaaradka maanta ka soo wuxuu inta badan ku yiraahdaa heshiis baan la geleenaa wadahadal baan u fureenaa,waxaa suaal ah waaguu sheekh shariif mucaaradka ku ahaa dowladii ka soo horjeeday waatuu diidi jiray wadahadalka ay u furtay iyo heshiiskay u soo jeedisay sidee buu maanta ugu dudaa mucaaradkiisa in ay diideen wadaladalkii, waa in uu dib isu xasuustaa sheekh shariif.
Runtii aniga waagii maxaakiinta waa taageersanaa walow aan qaladaad arkaay oo aan jeclaa in dowladdaas lala galo wadahal hadana mar walba waa taageersanaa.
Waxaan ku soo koobaaya hadalkayga shariif xaq baa haya mana wadi karo dowladaan.
WCSWRWB
waxay ila tahay in uu sh.shariif ay horey ka aheyd daacad laakiin hadeertaan waxaa uu isku bedelay calooshiis ushaqeyte
ninkaas wuxuuu ahaaba la arag warkii waa cadaaday waxan dhihilahaa ilahay ha ka baqo hana u tobadkeeno.