Qaxootinimo iyo Qoomamayn

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo uu maan-qaaday u tahriibidda dalka Sacuudiga, ayaa iyaga oo markaas ku sugnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen, oo ay Qaxooti ku ahaayeen, waxaa ay heshiis la galeen nin “Ma-naxe” ah oo lagu yiqiin xagga wax-tahriibinta.
Ninkan ayaa waxaa uu ogaaday, yaqiinsadayna: in ay kooxdani dhammaantood yihiin kuwa il-duufsan, ku cusub dalka [...]