Shaqaalaha MSF waxa laga afduubay degmada Xudur ee gobolka Bakool

Maxamed Ibrahim Macalimu
Souce: BBC Mogadishu

Labo qof oo reer Yurub ah oo u shaqqeynayay hey’adda samafalka ee Dhaqaatiirta aan Xuduudda lahayn ee MSF ayaa la sii daayay kadib markii afduub loo heytsay muddo sagaal maalmood ah.
Shaqaalahaasi ajnabiga ah oo ay afduubeen rag hubeysan oo Soomaali ah ayaa waxa laga qabsaday iyagoo baabuur ku socda degmada Xudur [...]

Gudoomiyihii gobalka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen oo saaka la aasay

Souce:Halgan
April 28, 2009.
Qardho:-Waxaa saaka lagu aasay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen oo ahaa gudoomiyaha gobalka Karkaar oo ay oo maalmo ka hor kooxo dabley ah ku dileen deegaano ka tirsan Karkaar.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa diiday in la aaso Yaasiin Siciid Xuseen ilaa inta laga keenayo cidii dishay taas [...]

Madaxwayne Shariif oo Khartuum Gaaray

Souce: VOA
By Hussein Barre Aadan
27-April-2009
Sh. Sharif Sh. Axmed
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.Booqashadan ayaa lagu sheegay mid ay labada dal uga wada hadli doonaan arimaha ay wadaagaan.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Khartuum Prof. Mahdi Abukar Maxamud ayaa VOA-da u sheegay [...]

Wefdi heer calaami ah oo ka socda UN-Ka oo booqasho ku tagay Baydhabo.

Souce: Hornafrik
28-04-2009.
Wefdi uu hoggaaminayo madaxa arrimaha bini’aadanimada qaramada Midoobey John Holmes ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Hay’addaha samafalka iyo Madax ka tirsan maamulka Al shabaab.
Xubnaha wefdiga oo gaarayay 8 xubnood ayaa waxaa ka mid ah, saraakiil ka tirsan Hay’addaha WFP, Mine Action iyo UN OCHA [...]

Sh. Maxamed Idiris Wadaadda Soomaalidu ayaan daranaa ma Awlaaddi Aw Jaamac baa ?!!

بسم الله الرحمن الرحيم Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha Ahaato. Soomaalidu wexey tidhaahdaa: “War Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamc baa!”
Sheekada Ilma Aw Jaamac waa sheeka dheer oo Suugaanta Soomaalida dhextaal, halkana kuma soo koobi Karo. Laakiin Nuxurkeedu wuxu yahay: Niman Walaalaa, Nin wanaagsani dhalay, Dhaxal badan [...]