Taliska Gobolka Bari oo ka Warbixiyey Qaraxyadii ka Dhacay Bosaaso.

Source: Somalitalk
Thursday, November 5, 2009
Bosaaso: Ciidamada Amaanka Puntland ayaa bilaabay howl galo ay ku baarayaan cidii ka danbaysay Qaraxyadii xalay ka dhacay Gudaha Magaalatan Bosaaso, Qaraxyadaasi oo lagula bartil Maamaysaday Labo ka mid ah Saldhigyada Magaalatan Bosaaso sidaa waxa Saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidamada Gobolka Bari Cismaan Xasan Cowke Afdalow.
Waxuuna sidoo kale Taliyaha Ciidamada [...]

Kaarar Aqoonsi oo loo sameyn doono shacabka reer Puntland oo ka bilaaban doonta Boosaaso

Source: Halgan
Web Nov 02, 2009.
Boosaaso:-Waxaa maanta shir ay isigu yimaadeen masuuliinta dowlada Hoose iyo saraakiisha Amniga ee Boosaaso lagu soo bandhigay waraaqo aqoonsi kuwaas oo loo sameyn doono dadka ku dhaqan magaalooyinka Puntland waxaana mashruuca uu ka hirgali doonaa marka hore magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Duqa magaalada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo ka hadlay [...]

DFKM iyo Puntland oo heshiis ka kooban dhawr qodob ku kala saxiixday Gaalkacyo (Dhageyso)

Web Aug 23,
Gaalkacyo:-Waxaa si rasmi ah loo shaaciyey is afgarad ay wada gaareen DFKM iyo maamulka Puntland waxayna ku heshiiyeen dhamaan qodobadii la isku hayey heshiiska ayaa waxaa u saxiixay DFKM Raisulwasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole.
Halkan Ka dhageyso Heshiiskii iyo qodobada uu ka kooban yahay
Radio Daljir
Gaalkacyo

Sanadguurada Puntland ee Michigan ka dhici doonta Ann Arbor, Michigan.

Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Ann arbor/Ypsilanti Michigan waxaa lalasocodsiinaynaa in Maalinta Sabtida ee August 1, 2009 lagu Qaban Doono Schoolka Multicultural academy Xaflad loogu dabaaldegayo Sanad Guuradii kasoo wareegtay Assaaskii Puntland.
Wakhtiga Xaflada: Saturday August 1, 2009
Goobta: Multi cultural Academy
5550 Platt Road
ann arbor,MI
Faahfaahinta kala xiriir: Maxamed Qoobay 614-284-5580.

Laba weriye la masaafuriyay

Source:GAROWE ONLINE
04-July-2009
Laba weriye oo u dhashay wadanka France ayaa maanta laga masaafuriyay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaso waxaana ragani ay xalay u hoydeen saldhig ay leeyihin ciidanka loo yaqaan SPU oo ku yaala magaaladda Boosaso ee xarunta gobolka Bari.
Ragani ayaa waxay ku socdeen safar dhinaca dhulka ah iyagoo watay gaari noociisu yahay Mark Two waxaana lagu [...]